Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo oo kusii jeeda Dalka Ruush-ka iyo Ujeedada safarkiisa
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo oo kusii jeeda Dalka Ruush-ka iyo Ujeedada safarkiisa

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 17, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in todobaadka soo socda ay u ambabaxaan dalka Ruushka.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ah hoggaamiyeyaal Afrikan ah oo lagu casuumay Shirweyne ka furmi doona magaallaada loo dalxiis tago ee Sochi ee dhulka Fog ee Raashiya.

    Hoggaamiyeyaasha shirkaasi tegaya ayaa waxaa kamid ah Madaxweynayaasha,Jabuuti,Kenya, Masar iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya,waxaana qabana qaabiyeyaasha shirka ay sheegeen in uu socon doono mudo laba Cisho ah.

    Shirkan  oo u dhaxeeya qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo ruushka ayaa waxaa 23-ka Bishaan Octoober siwadajir ah u guddoomin doona Madaxweynaha Raashiya Vladimir Putin  iyo dhigiisa Masar Cabdul Fataax Al-Siisi,waxaana shirkaan diirada lagu saarayaa sidii Dowladda Ruushka ay xiriir ula yeelan laheyd wadamada Afrika, iyada oo dalalka waaweyn ay loolan adag ugu jiraan kasbashada dalalka afrika.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Raashiya,waxaa uu sidoo kale kulamo duceedyo la yeelan doonaa qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha Afrikanka ah ee kasoo qeyb-galaya Shirka ka furmaya magaallaada loo dalxiis tago ee Sochi ee dhulka Fog ee Raashiya.

    Si kastaba safarka la filayo in dhawan uu Madaxweyne Farmaajo ku tago dalka ruushka ayaa waxaa uu noqon doonaa safarkii ugu dheeraa ee uu ku tago mid kamid ah dalalka ugu baaxada weyn qaarada Yurub.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.