Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Erdogan oo ogolaaday heshiiska xabad joojinta waqooyiga Suuriya
    Somalia

    Erdogan oo ogolaaday heshiiska xabad joojinta waqooyiga Suuriya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 18, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Turkiga ayaa ogolaaday in heshiis xabad joojin ah laga dhaqan geliyo waqooyiga Suuriya si ciidammada Kurdiyiinta loogu ogolaado inay isaga baxaan halkaas.

    Heshiiskan ayaa imaanaya kaddib booqasho uu Turkiga ku tegay madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka Mike Pence isla markaasna kulan la qaatay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

    Pence wuxuu sheegay in muddo shan maalmood ah dagaallada lagu joojinayo halka Mareykanka uu ka qeyb qaadan doono sidii ciidammada Kurdiyiinta looga soo saari lahaa deegaanada xadka oo uu Turkiga ka waday howlgal uu ku sheegay inuu goob amaan kaga sameynayo halkaas.

    Taliye sare oo ka tirsan Kurdiyiinta ayaa sheegay in xooggaga Kurdiyiinta ay qaddarin doonaa heshiiska xabad joojinta looga dhawaaqay deegaanada xadka gaar ahaan magaalooyinka Ras Al Ceyn iyo Tal Abyad halkaas uu dagaal xooggan ka socday.

    Ha’yadda fadhigeedu yahay UK ee dusha kala socoto xaaladda xuquuqda aadanaha Suuriya ayaa sheegtay in dagaallada ay weli kasii socdaan magaalada Ras Al Ceyn inkasta oo xabad joojin lagu dhawaaqay.

    Ha’yadda waxay sheegtay 72 qof ayaa dhintay halka in ka badan 300,000 ay ka barakaceen siddeedii maalmood uu dagaalka ka socday waqooyiga Suuriya.

    Ciidammada Turkiga ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay weerar ka bilaabay waqooyiga Suuriya kaddib markii Mareykanka uu ciidammadiisa kala baxay halkaas.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.