Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland oo sharci-darro ku tilmaamtay Xafiis uu Degmada Dhahar ka furtay Wasiir katirsan XFS
    Somalia

    Puntland oo sharci-darro ku tilmaamtay Xafiis uu Degmada Dhahar ka furtay Wasiir katirsan XFS

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 19, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Puntland ayaa sharci-darro ku tilmaantay Xafiis uu Magaalada Dhahar ee Gobolka Haylaan, maanta uu ka furtay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya ahna Xildhibaan kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan.

    Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyaynta Dowladda Puntland Maxamed Musadaq Maxamed ayaa sheegay in ay tahay in Wasiirku wuxuu u hayo Gobolladaas uu u marsiiyo Puntland.

    “Wasiir Jamaal, abti waxaad baalmartay ballantii aad lagashay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Puntland, furitaanka xafiiskana sharci ma aha, Xukuumadda Puntland iyo Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaad u soo marinaysaa hadaad haysid mashaariic horumarineed ee Dowladda Soomaaliya ugu talo gashay degmada Dhahar iyo degmooyinka Haylaan iyo Sanaag” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.

    Wasiir Maxamed Musadaq ayaa intaas ku daray “Annaga ayaa toos u gaarsiineyna, horumarka waa wax fiican in aan ka wada shaqeyno,balse waddo ayey leedahay shaqadaas”.

    Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Qorsheeynta XFS Xil. Jamaal Maxamed Xasan uu ka furtay Degmada Dhahar ayaa waxaa xadhiga ka jaray Xildhibaan kamid ah Golaha Wakiillada Puntland iyo Gudoomiyaha Gobalka Haylaan ee Dowladda Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.