Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ka qeyb-galay Xaflad ka dhacday Stockholm+Sawirro
    Somalia

    Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ka qeyb-galay Xaflad ka dhacday Stockholm+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 19, 2019Updated:October 19, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), ayaa ka qeyb-galay Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu qabtay Magaalada Stockholm ee Caasimadda Dalka Sweden.

    Xaflada oo aheyd mid lagu soo dhaweynayay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed iyo Wafti uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Sweden, ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Jaaliyadda Reer Puntland ee Sweden, waxaana kasoo qeyb-galay dhamaan Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkaas.

    Munaasabada ayaa intii ay socotay waxaa hadalo ka jeediyey Isimo, Odayaal, Aqoonyahano, Xubno ku hadlay Magaca Dowlad Goboleedyada Soomaaliya sida Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, iyaga oo dhammaantood soo dhaweeyey waftiga Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

    Siciid Nuur Qaas oo kamid ah Guddiga Doorashooyinka Dalka Sweden, oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku dheeraday muhiimada safarka Madaxweyne ku-xigeenka Puntland u lee yahay dadka Soomaaliyeed ee kunool Dalkaas, isagoona sidoo ku amaanay Madaxda iyo Shacabka Reer sida ay uga wada-shaqeeyaan Nabadda iyo Hormarka Puntland.

    Ugu dambeyntii, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), oo Xafladda ka hadlay ayaa mahad-celin u jeediyay Jaaliyadda Reer Puntland ee Dalka Sweden iyo dhamaan Bulshada Soomaaliyeed, isagoona warbixin ka siiyay Xaalada Guud ee Dalka iyo Is-bedelada dhinacyada Amniga iyo Hormarka ah ee Puntland ka socda, isagoona kula dar-daarmay inay ka qeyb-qaataan Hormarka ka socda Dalka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.