Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Golaha Aqoonyahanada Puntland oo u jawaabay Sheekh Eedeeyay Dowladda (Akhriso)
    Somalia

    Golaha Aqoonyahanada Puntland oo u jawaabay Sheekh Eedeeyay Dowladda (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 19, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha Aqoonyahada Puntland ayaa War-saxaafadeed kasoo saaray Khudbad uu jimcihii shalay (18-October-2019) uu ka jeediyay Masjidka Al-Hudda ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland Sheekh Mukhtaar Axmed Faarax, kaas oo eedeyn u jeediyay Xukuumadda Dowladda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Dr. Siciid C/llaahi Deni.

    Golaha Aqoonyahanada Puntland ayaa si kulul u dhaliilay Khudbadaas, iyagoona sheegay inay baal-marsaneyd Anshaxa iyo Ujeeddooyinka Jimcaha iyo Masjidka kale, sidoo kalena ay mab’da ahaan kasoo hor-jeeday heshiiska bulshada Reer Puntland iyo Guud ahaan Soomaalida.

    Sidoo kale, Golaha Aqoonyahanada ayaa sheegay inaan laga yeeli doonin qofna inuu guriga alle waxaan u munaasab aheyn uu uga hadlo, iyagoona intaas ku daray in qofkii cid mucaaradaya loo baahan yahay inuu bulshada kala hadlo goobaha loogu tala-galay, sida Warbaahinta.

    Ugu dambeyntii, Golaha Aqoonyahanada Puntland ayaa ugu baaqay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta iyo Culimada reer Puntland inay naqdiyaan, kana hor-tagaan dhaqamada Ugub ee lala soo galay Guriga Eebbe.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.