Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland oo joojisay Xafiisyada ay furanayaan Xildhibaanada BFS (Akhriso)
    Somalia

    Puntland oo joojisay Xafiisyada ay furanayaan Xildhibaanada BFS (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 19, 2019Updated:October 19, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuquradiyeyta Dowlada Puntland ayaa la faray dhamaan cida ay khusayso in la joojiyey furashada Xafiisyadda Siyaasadeed ee Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ee kasoo jeeda Puntland.

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquradiyeynta Puntland ayaa sheegtay in Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, ay ku yimaadeen Hab-qeybsiga beellaha, balse aysan ku imaan Doorasho Deegaan.

    Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquradiyeynta Puntland ayaa sheegtay in aysan jirin wada-tashi iyo is-ogol ay weli Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ka gaareen Doorashooyinka ay ku imaanayaan Xildhibaanada BFS iyo Madaxda DFS soo socda.

    Joojinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquradiyeynta Puntland ee Xafiisyadda Siyaasadeed, ayaa kusoo beegmaysa xilli maanta uu Xafiis ka furtay Magaalada Dhahar ee Gobolka Haylaan Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya ahna Xildhibaan kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, kaas oo Puntland ku tilmaamay Sharci-darro.


    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.