Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Biixi oo guddi u saaray muranka dhul beereedka Gargaara+VIDEO
    Somalia

    Madaxweyne Biixi oo guddi u saaray muranka dhul beereedka Gargaara+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa guddi u magacaabay muran ka taagan dhul beereed ku yaalla degaanka Gargaara.

    Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo guddoomiye u ah guddidaas uu madaxweynuhu magacaabay ayaa soo bandhigay magacyada xubnaha uu ka kooban yahay guddigan iyo hawlaha loo igmaday.

    Wasiir Saleebaan Koore ayaa sheegay in guddiga uu magacaabay madaxweyne Muuse Biixi oo ka kooban lix xubnood ay kala yihiin.

    1. Wasiirka biyaha Saleebaan Cali Koore, Guddoomiye

    2.Wasiirka xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga Xasan Maxamed Gaafaadhi.

    3.Wasiirka beeraha Axmed Muumin Seed.

    4.Wasiirka gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye

    5.Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Naasir Caydiid.

    6.Wasiirka caafimaadka Cumar Cali Cabdilaahi

    Wasiir Saleebaan Cali Koore oo ka hadlay safar ay ugu baxayaan deegaanka Gargaara oo ka tirsan degmada Lughaya ayaa mar uu warbaahinta kula hadlay Hargeysa waxa uu yiri “Waxaanu leenahay waanu imanaynaa waxaanan rabnaa inaanu si nabad leh u xalino wixii lagu kala duwan yahay, cidina yaanay na tirsan, cid aanu dhib u wadnaa ma jirto, cid cadaala daro lagu samaynayo ama xaqoodeeda laga qaadayo”.

    Wasiir Koore oo hadalkiisa sii watay ayaa intaas raaciyey “U jeedkeenu waa in umadda la dhagaysto oo lays fahmo oo laga wada hadlo wixii lagu kala duwan yahay, wixii caqliga, aqoonta iyo sharcigu yiraahdana lagu kala yiraahdo, waxan meesha ka dhacayna wax cusub maaha waana wax maalin walba ay Somaliland xaliso.”

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.