Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Khilaaf ka dhex aloosan Dalalka IGAD iyo Abiy oo ku sugan Jabuuti
    Somalia

    Khilaaf ka dhex aloosan Dalalka IGAD iyo Abiy oo ku sugan Jabuuti

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed Ali oo ku sugan Jabuuti ayaa  wada xalinta khilaaf soo kala dhex galay qaar kamid ah Wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD, kaas oo ka dhashay cida qabaneysa Madaxtinimada Urur goboleedka IGAD, kaddib shirkii dhowaan ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

    Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayuu Abiy Axmed kula kulmay magaalada Jabuuti ee xarunta dalkaas, isagoo  kala hadlay khilaafka ka dhex cusboonaaday Ururka iyo arimo kale.

    Kulankii ugu dambeeyay ee Madaxda IGAD ku yeesheen Addis Ababa, waxaa lagu go’aamiyay in Itoobiya iyo Kenya ay is weydaarsanadaan Guddoomiyaha IGAD iyo Xoghayaha Guud ee IGAD.

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hayay xilka Guddoomiye-nimada IGAD oo waqtigiisa dhamaaday, iyadoo uu la wareegi doono Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

    Sidoo kale, Kenya ayaa iyana wareejin doonta xilka Xoghayaha Guud ee IGAD ee uu haayo Maxbuub Macalin oo ah Soomaali Kenyan, waxaana xilka Xoghayaha la wareegi doona nin u dhashay dalka Itoobiya.

    Dowladda Jabuuti ayaa ka soo horjeeda qeyb ahaan go’aankaas hoggaanka IGAD ay isku wareejiyeen Itoobiya iyo Kenya, halka dowladda Federaalka Soomaaliya ay horay u dooneysay xubinta xilka Xoghayaha Guud ee IGAD, waxaana horay u jiray qorshe ahaa in xilkaas loo magacaabo Cabdisalaan Hadliye Cumar oo soo noqday Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.