Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Khilaaf ka dhex aloosan Dalalka IGAD iyo Abiy oo ku sugan Jabuuti
    Somalia

    Khilaaf ka dhex aloosan Dalalka IGAD iyo Abiy oo ku sugan Jabuuti

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Raโ€™iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed Ali oo ku sugan Jabuuti ayaa  wada xalinta khilaaf soo kala dhex galay qaar kamid ah Wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD, kaas oo ka dhashay cida qabaneysa Madaxtinimada Urur goboleedka IGAD, kaddib shirkii dhowaan ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

    Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayuu Abiy Axmed kula kulmay magaalada Jabuuti ee xarunta dalkaas, isagoo  kala hadlay khilaafka ka dhex cusboonaaday Ururka iyo arimo kale.

    Kulankii ugu dambeeyay ee Madaxda IGAD ku yeesheen Addis Ababa, waxaa lagu goโ€™aamiyay in Itoobiya iyo Kenya ay is weydaarsanadaan Guddoomiyaha IGAD iyo Xoghayaha Guud ee IGAD.

    Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hayay xilka Guddoomiye-nimada IGAD oo waqtigiisa dhamaaday, iyadoo uu la wareegi doono Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

    Sidoo kale, Kenya ayaa iyana wareejin doonta xilka Xoghayaha Guud ee IGAD ee uu haayo Maxbuub Macalin oo ah Soomaali Kenyan, waxaana xilka Xoghayaha la wareegi doona nin u dhashay dalka Itoobiya.

    Dowladda Jabuuti ayaa ka soo horjeeda qeyb ahaan goโ€™aankaas hoggaanka IGAD ay isku wareejiyeen Itoobiya iyo Kenya, halka dowladda Federaalka Soomaaliya ay horay u dooneysay xubinta xilka Xoghayaha Guud ee IGAD, waxaana horay u jiray qorshe ahaa in xilkaas loo magacaabo Cabdisalaan Hadliye Cumar oo soo noqday Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.