Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Yuusuf Garaad oo walaac ka muujiyay waqtiga ay Maxkamadda ICJ u iclaamisay Dacwadda Badda+Akhriso
    Somalia

    Yuusuf Garaad oo walaac ka muujiyay waqtiga ay Maxkamadda ICJ u iclaamisay Dacwadda Badda+Akhriso

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamada Caalamiga ah ee Adduunka ee ICJ ayaa maanta mar kale dib u dhigtey dhageysiga dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyadoona Xukuumadda Federaalka ay soo dhaweysay go’aanka Maxkamadda iyo waqtiga la iclaamiyay.

    Dhageysigan ayaa markii hore la qorsheeyey in ay dhacdo 4-ta bisha November. Si kastaba, maxkamadda ayaa dib u dhigtey dhageysiga illaa iyo bisha June ee 2020, markaasi oo la dhageysan doono 8 illaa 20-ka bishaas.

    Go,aanka labada jeer ay Maxkamaddu dib ugu dhigtay Dhageysiga Dacwad Badda ayaa abuurtay walaac soo food-saaray muwadiniin Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan Aqoonyahada, kuwaas oo horey u saluugsanaa qaabka Xukuumaddu shacabka uga dabooshay xaqiiqooyinka ku geedaaman arrinta Dacwadda Badda.

    Dadka walaaca muujinaya waxaa kamid ah Wasiirkii Hore ee arrimaha dibedda XFS Yuusuf Garaad Cumar isagoona qoraal uu soo dhigay Barihiisa Bulshada ku yiri “Maxkamadda ICJ laba jeer ayay dib u dhigtay dhegeysiga wareegga labaad ee dacwadda ka dhanka ah Kenya ee ay Maxkamaddu ka qabatay Soomaaliya Khamiis, 28 August 2014”

    Kenya ayaa labada jeerba dalbatay dib-u-dhigga. Dowladdeennu labada jeerba waxay noo sheegtay in ay diidday in dhegeysiga dib loo dhigo. Waase looga guuleystay.

    Yuusuf Garaad ayaa tilmaamay in waqtigan cusub ee Maxkamaddu iclaamisay Dhageysiga Dacwadda uu yahay mid xasaasi ah dhanka Soomaaliya, maadama ay galayso Doorasho “Ma jiro xilli Soomaaliya uga xun madasha hadda la qabtay oo ah usbuuca labaad ee June 2020”.

    “Sida ay ballanta dhexdeennu ahayd waa xilli doorasho guud oo labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweyne. Ballantaana waa ay og yihiin Kenya, qareennada labada dhinac iyo Garsoorayaasha ICJ”

    Ugu dambeyntii, Yuusuf Garaad ayaa sheegay in Ballanta cusub ee ay qabatay Maxkamaddu waqtigeeda uusan u rooneyn Dalka “U heellanaanta Dacwadda iyo Madaxbannaanida doorashada labada midna uma roona ballanta la qabtay”.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.