Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Yuusuf Garaad oo walaac ka muujiyay waqtiga ay Maxkamadda ICJ u iclaamisay Dacwadda Badda+Akhriso
    Somalia

    Yuusuf Garaad oo walaac ka muujiyay waqtiga ay Maxkamadda ICJ u iclaamisay Dacwadda Badda+Akhriso

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamada Caalamiga ah ee Adduunka ee ICJ ayaa maanta mar kale dib u dhigtey dhageysiga dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyadoona Xukuumadda Federaalka ay soo dhaweysay go’aanka Maxkamadda iyo waqtiga la iclaamiyay.

    Dhageysigan ayaa markii hore la qorsheeyey in ay dhacdo 4-ta bisha November. Si kastaba, maxkamadda ayaa dib u dhigtey dhageysiga illaa iyo bisha June ee 2020, markaasi oo la dhageysan doono 8 illaa 20-ka bishaas.

    Go,aanka labada jeer ay Maxkamaddu dib ugu dhigtay Dhageysiga Dacwad Badda ayaa abuurtay walaac soo food-saaray muwadiniin Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan Aqoonyahada, kuwaas oo horey u saluugsanaa qaabka Xukuumaddu shacabka uga dabooshay xaqiiqooyinka ku geedaaman arrinta Dacwadda Badda.

    Dadka walaaca muujinaya waxaa kamid ah Wasiirkii Hore ee arrimaha dibedda XFS Yuusuf Garaad Cumar isagoona qoraal uu soo dhigay Barihiisa Bulshada ku yiri “Maxkamadda ICJ laba jeer ayay dib u dhigtay dhegeysiga wareegga labaad ee dacwadda ka dhanka ah Kenya ee ay Maxkamaddu ka qabatay Soomaaliya Khamiis, 28 August 2014”

    Kenya ayaa labada jeerba dalbatay dib-u-dhigga. Dowladdeennu labada jeerba waxay noo sheegtay in ay diidday in dhegeysiga dib loo dhigo. Waase looga guuleystay.

    Yuusuf Garaad ayaa tilmaamay in waqtigan cusub ee Maxkamaddu iclaamisay Dhageysiga Dacwadda uu yahay mid xasaasi ah dhanka Soomaaliya, maadama ay galayso Doorasho “Ma jiro xilli Soomaaliya uga xun madasha hadda la qabtay oo ah usbuuca labaad ee June 2020”.

    “Sida ay ballanta dhexdeennu ahayd waa xilli doorasho guud oo labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweyne. Ballantaana waa ay og yihiin Kenya, qareennada labada dhinac iyo Garsoorayaasha ICJ”

    Ugu dambeyntii, Yuusuf Garaad ayaa sheegay in Ballanta cusub ee ay qabatay Maxkamaddu waqtigeeda uusan u rooneyn Dalka “U heellanaanta Dacwadda iyo Madaxbannaanida doorashada labada midna uma roona ballanta la qabtay”.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.