Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidan iyo Hub ay wateen oo lagu la’yahay Xeebaha Magaalada Marka
    Somalia

    Ciidan iyo Hub ay wateen oo lagu la’yahay Xeebaha Magaalada Marka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 21, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidan ka tirsan xoogga dalka iyo hubkii ay wateen ayaa lagu la’yahay xeebaha Magaalada Marka ee Gobalka Shabeellaha Hoose, kaddib markii doon ay la socdeen ay la degtay.

    Ciidankan oo katirsanaa Guutada 14 October ee Xoogga Dalka, ayaa doonnidan ay la socdeen kula degtay meel dhanka bari kaga beegan Xeebta Magaalada Marka, waxaana la la’yahay 3 Askari, sida ay sheegeen saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

    Sidoo kale, illaa 10 askari oo uu ku jiro Taliyaha Ciidanka Milateriga ee Magaalada Marka ayaa la soo badbaadiyay, waxaana socda haatan dadaalo lagu baadi-goobayo askartan la la’yahay.

    Ciidamadan ay doontu la degtay ayaa la sheegay inay doonayeen in socdaal dhanka Badda ah ay ku gaaraan Magaalada Muqdisho, maadaama Magaalada Marka ay ku jirto go’doon.

    Ciidamada ku sugan magaalada Marka ayaa saanada iyo sahayda waxaa lagu gaarsiiyaa dhanka badda, maadaama ay Al-Shabaab go’doomiyaan magaaladaas, isla markaana dhowr jeer oo hore weerar ka geysteen wadada dhanka xeebta ah ee isku xira Muqdisho iyo Marka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.