Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirar looga hadlayay Arrimaha Maaliyadda Soomaaliya oo la soo geba-gabeeyey
    Somalia

    Shirar looga hadlayay Arrimaha Maaliyadda Soomaaliya oo la soo geba-gabeeyey

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 21, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay iney soo gaba gaboobeen shirarkii sanadlaha ahaa ee uga socday magaalada Washington ee dalka Mareynkanka,kaasi oo ay la lahaayeen madax ka socotay Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF.

    Wasiir Beyle ayaa sheegay iney ka qeyb galeen kulan dhexmaray ururka ay ku bahoobeen madaxda Maaliyadda Afrika iyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka David Malpass oo ay wehlineysay Agaasimaha Hey’adda IMF Kristalina Georgieva.

    “ Waxaan si weyn u bogaadiyay sida ay ugu heelan yihiin Afrika iyo Soomaaliyaba, gaar ahaan taageerada Bangiga Adduunka iyo IMF ee ku aaddan dib u habeynta iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

    Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa qiray in Soomaaliya ay cagta saartay wadadii saxda ahayd ee deymaha looga cafin lahaa,taas oo ay kaabayaan dadaalada muuqda ee dib u habeynta dhaqaale.

    “Dadaalada dowladdeena iyo dadkeena oo lagu kabay tan bahwadaagteena caalamka waxay horseedi doontaa xoojinta hey’adaheena maaliyadda, kocbinta dhaqaalaheena iyo isbeddel waara oo dadka iyo dalku ay gaaraan,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Wasiir Beyle.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.