Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Banaan-bax ka socda Garoowe iyo D/hoose oo eedeyn u jeedisay mudaharayaasha+Sawirro
    Somalia

    Banaan-bax ka socda Garoowe iyo D/hoose oo eedeyn u jeedisay mudaharayaasha+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 21, 2019Updated:October 21, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland ayaa dhigaya banaan-baxyo rabshado, kaas oo ka dhashay kaddib dil Ciidanka Boolisku ay xalay u geysteen askari kamid ah Ciidanka Milateriga.

    Askariga la dilay ayaa hub la dhex-marayay gudaha Caasimadda Garoowe, waxaana Ciidanku ku amreen inuu hubka dhigo, kuna soo wareejiyo Booliska sugaya amniga, balse wuu ka dhaga adeegay, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal.

    Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa dalbanaya in Cadaaladda la hor-keeno Ciidankii dilka u geystay askariga Milateriga ah, iyagoona sidoo kale Taayaro ku gubay Barxadda Garoowe oo ah kasoo hor-jeedka Taliska Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

    Duqa Degmada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland Axmed Siciid Muuse, oo qoraal soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa dhaliilay banaan-baxayaasha oo uu ku tilmaamay Rabshad wadayaal, isagoona ugu baaqay Ciidanka Booliska inay tilaabo adag ka qaadan, kuwa burburinaya hantida Danta guud ah.

    “Laamiyadu waa hantida umadda ka dhexaysa, una baahan in qof kasta dhankiisa ka illaaliyo. Hadda kuwa gubaya taayiradda waa in gacmaha la qabtaa oo laga joojiyaa dhibaatada iyo kharbudaadda ay hantida guud u geysanayaan. Police ku waa inay sharciga mariyaan qaswalayaasha. In wax la burburiyaa waa sahlan tahay, in wax la dhisaana waa adag tahay” ayuu bartiisa Facebook kusoo qoray Duqa Caasimadda Puntland.

    Dowladda Puntland ayaa dhowaan mamnuucday in Hub iyo Gaadiid dagaal lala dhexmaro Caasimadda Puntland ee Garoowe, waxaana ay ugu digtay Ciidanka Milateriga ah inay soo galaan gudaha Magaalada iyagoo hubeysan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.