Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa kasoo baxay kulankii Hoggaanka Ahlu-sunna iyo Wasiir Sabriye ?
    Somalia

    Maxaa kasoo baxay kulankii Hoggaanka Ahlu-sunna iyo Wasiir Sabriye ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 22, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hoggaanka Ururka Ahlu-sunna iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa xalay kulan ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

    Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa looga wada hadlayay sidii loo qancin lahaa tabashada ay qabaan Hoggaanka Ururka Ahlu-sunna oo diiday Guddigii farsamada iyo dhismaha Galmudug oo ay magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha XF Soomaaliya.

    Wararka ayaa sheegay in qodobadii looga hadlay kulanka intii uu socday qeybtood la isku fahmay, isla markaana la go’aamiyey in meesha laga saaro mad madowga soo kala dhex-galay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ahlusunna Wal-jamaaca.

    Warar ayaa intaas ku daraya inay macquul tahay in saacadaha soo socda uu Magaalada Dhuusamareeb tago Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, si uu u qanciyo Ahlu-sunna.

    Hoggaanka Ahlusunna ayaa kasoo horjeestay Guddiga farsamada iyo dhismaha Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, iyaga oo sheegay in guddigaas Magacaabistiisa uu yahay mid hareer marsan heshiiskii dowladda federaalka iyo Ahlusunna ay gaareen 8 Bishii July ee sanadkaan 2019.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.