Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Sochi ee dalka Ruushka+VIDEO
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Sochi ee dalka Ruushka+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 22, 2019Updated:October 22, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxaa ay gaareen magaalada Sochi ee dalka Ruushka halkaas oo maalinta barri ah uu ka furmayo Shirweynaha Dhaqaalaha Ruushka iyo Afrika.

    https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/videos/976399886033151/

    Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 23-ka ilaa 24-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururka Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada.

    Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Sochi ee marti-gelinaysa shirarka Madasha waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan madaxda kasoo qeyb galaysa madashan.

    Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo Ruushka, dhaqaaleyahanno calami ah, Shirkado waaweyn oo dhanka maalgashiga ah iyo Golaha Guud ee Ururka Midowga Afrika, waxa uuna dalkeenna u yahay fursad aynu ku sii ambe-qaadno qorsheyaasha dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo soo bandhigidda fursadaha maalgashi ee ka jirta dalka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.