Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»DF Soomaaliya oo beenisay inuu kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka USA ee Kenya
    Puntland

    DF Soomaaliya oo beenisay inuu kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka USA ee Kenya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 23, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa beenisay Warbixin uu qoray Wargeyska afka dheer ee Dailynation,kaas oo wareysi lagula yeeshay Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya,isla markaana uu sheegay in Muqdisho uu yimid Madaxweyne Farmaajana uu ka dalbaday in uu ka baxo Kiiska Badda.

    Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Amb. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in warkaasi uu yahay mid aan waxba ka jirin,isla markaana uusan jirin kulan dhex-maray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya ee Kyle McCarter,xiligii uu yimid Muqdisho.

    “Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqashada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor ayuu yiri” Amba, Tarsan

    Sidoo kale Wargayska Dailynation oo Warbixintaan qoray ayuu ugu baaqay inuu iska hubiyo warbixinnada uu faafinayo, iyada oo Warbixinta ay ku saabsaneyd Wareysi lala yeeshay Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya oo ka hadlay muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

    Si kastaba Warbixinta uu daabacay Wargeyska afka dheer ee Dailynation ayaa waxaa uu kusoo aadaya xilli laba jeer ay Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ay dib u dhigtay dacwadda Badda ee u dhaxeeysa Soomaaliya iyo Kenya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    September 26, 2025

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.