Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirkadda DP World oo uu saameeyay Go,aankii Dowladda Jabuuti+Warbixin
    Somalia

    Shirkadda DP World oo uu saameeyay Go,aankii Dowladda Jabuuti+Warbixin

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 24, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirkadda DP WORLD ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in muranka iyo dacwaddii dhexmartay iyaga iyo dowladda Djibouti ee ku aadanaa maamulka Dekedda Doraaleh, ay taasi dhaawac gaarsiisay shirkadda, isla markaana ay ku adkaatay inay bangiyada caalamka ka hesho deyn ay ku maalgaliso mashaariic cusub.

    Shirkadda ayaa sababaha ay ugu adkaatay inay deyn helaan waxaa ay ku sheegtay Go’aankii Dowladda Jabuuti uga saartay Shirkadda dekadda ay ku laheyd dalkaasi,isla markaana Shaqadooda ay saameyn ku yeelatay.

    Maamulaha Shirkadda DP WORLD Suldaan Axmed ayaa wakaaladda Wararka ee Reuters  waxaa uu u sheegay in go’aankii Dowladda Jabuuti uu dhaawacay kasoonidii lagu qabay shirkadda iyo mashaariicda ay maalgeliso.

    Hadalkaanayuu sheegay isaga oo ku sugan dalka Ruwand halkaas oo ay Shirkaddu ka hirgelisay Mashruuc dhnaca adeega ah,waxaana uu sheegay in Bangiyadu ay walaac ka qabaan sida loo damaanad qaadayo in hadii ay shirkadda lacag amaahiyaan si lo maalgeliyo iyo in dowladuhu ay qaataan Go’aanka Jabuuti mid lamid ah ayna qaataan mashaariicdii ay fulin jirtay Shirkadda DP WORLD.

    Dowladda Jabuuti ayaa Shirkadda DP WORLD waxaa Maamulka dekadda Doraaleh ay kala wareegtay Bishii Febaraayo sanadkii 2018,waxana tallaabadaasi ay ka dhalatay muran soo jiitamayay tan iyo sanadkii 2012kii.

    Maamulaha Shirkadda DP WORLD Suldaan Axmed ayaa ugu dambeyn waxaa uu sheegay in weli Sharkadu ay sisharci ah uga Shaqeyso dalalka Soomaaliya,Musanbiig Senegal iyo Maali,isla markaana haatan ay heshiis Cusub la saxiixdeen dalka Kongo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.