Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo casho sharaf loogu Sameeyey Turkiga.
    Somalia

    Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo casho sharaf loogu Sameeyey Turkiga.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 24, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa ka qayb galay hadimo sharafeed casho ah oo uu ku martiqaaday Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Jaamac Cabdilaahi Maxamed (Caydiid).

    Kulanka cashada ah ayaa waxaa qayb ka ahaa safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyey Soomaaliya, hadana ah ergayga gaarka ah ee Soomaaliya Olgan Baker iyo Madaxa waaxda Africa u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Debedda Turkiga.

    Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa ka mahadnaqay casho sharafta uu ku maamuusay safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga isaga iyo masuuliyiinta kale ee ka qayb gashay cashadaasi, waxaana uu ku bogaadiyey shaqada uu u hayo shacabka Soomaliyeed ee ku sugan dalkaasi.

    Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa safaro shaqo ku tegey qaar ka mid ah wadamada Yurub iyo Turkiga oo uu hadda ku sugan yahay, waxaana uu kulamo kala duwan la qaadandoonaa mudada uu joogo Jaaliyadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland ee ku sugan dalkaasi.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.