Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Musharax Odawaa oo baaq kasoo saaray Xiisada Siyaasadeed+VIDEO
    Puntland

    Musharax Odawaa oo baaq kasoo saaray Xiisada Siyaasadeed+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 26, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Musharaxa u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xiisadaha siyaasadeed iyo tan ciidan ee ka jirta magaalada Dhuusamareeb, isagoo ku baaqay in arrimaha jira la xalliyo.

    Mr Odawaa ayaa sheegay in horay dowladda Federaalka iyo Ahlusuna ay heshiis u wada hadleen oo ku saabsan in la dhiso Guddiga Farsamada, hase ahaatee haatan ay labada dhinac kala dhiseen Guddiyo Farsamo oo gooni gooni ah

    “Waxaa moodaa in magaalada ka jiro diyaar garow, ciidamo ayaa lagu daabulayaa, dowladda Federaalka saakay boqol askari ayay geysay, shalayna boqol, oo ah Ciidamada Gorgor iyo Danab, waxaa magaalada ka jooga illaa shan boqol askari, dhanka Ahlusuna ayagana ciidamo ayay soo daabulayaan, waxaa rabaa baaq inaan u soo jeediyo oo ah in dhamaan la joojiyo dhismaha gudiyada, xareynta odayaasha dhaqanka iyo daabulida ciidamada, gaar ahaan kuwa Xamar laga qaaday”ayuu yiri C/raxmaan Odawaa.

    https://www.facebook.com/dalsantv/videos/849703485427189/

    Sidoo kale waxaa uu sheegay in Galmudug markii la dhisayay sanadkii 2015 aanan wax ciidan ah la geyn, isagoo xusay in ciidan ku filan ay joogaan deegaanka, waxaana uu ku baaqay in la sameeyo gogol ay ku wada hadlaan reer Galmudug sidii loo xalin lahaa khilaafka Federaalka iyo Ahlusuna.

    Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay Ciidamada qalabka sida inay bannaanka ka istaagaan colaada oo aanay faraha la gelin arrimaha siyaasada, isagoo xusay in qodobka 127 ee dastuurka KMG uu farayo in aysan ciidanada faraha la soo gelin arrimaha siyaasadda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.