Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Trump oo xaqiijiyay dilka Abu bakar Al-Baqdaadi
    Somalia

    Madaxweyne Trump oo xaqiijiyay dilka Abu bakar Al-Baqdaadi

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 27, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xaqiijiyay in uu dhintay hoggaamiyihii kooxda la baxday dowladda Islaamka ee Daacish ka dib hawl gal ka dhacay dalka Suuriya.

    Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Abuu Bakar Al-Baqdaadi ku cararay god dhulka hoostiisa ah balse markii ciidamada Mareykanka ay weerareen uu isku qarxiyay halkaasi, waxaana sida uu sheegay la dhintay saddex carruur ah oo uu godkaasi kula cararay.

    Waxa uu sidoo kale sheegay in 11 carruur ah laga soo badbaadiyay gurigii uu degganaa, waxaana uu hadda sheegay in dunidu ay tahay mid amni ah maadaama buu yiri la khaarijiyay “ninkii ugu cadowsanaa dunida”.

    TV-ga dowladda Ciraaq ayaa maanta sheegay in uu baahin doono muuqaallo laga duubay weerarka la aaminsan yahay in Albaghdaadi lagu dilay ee Suuriya ka dhacay

    Tv-ga Ciraaq oo soo xiganaya khabiir arrimaha kooxaha argagixisada ayaa sheegay in sirdoonka Ciraaq uu kaalin ka geystay jaan-goynta goobta uu Albaghdaadi ku sugnaa.

    Sarkaalka Iiraan u dhashay ayaa sheegay in Masuuliyiin Suuriyaan ah oo xog sugan haya ay Iiraan soo gaarsiiyeen warka la xiriira dilka Albaghdaadi.

    Hoggaamiyaha Daacish ayaa marar hore la sheegay in la dilay balse warkaasi sax ma ahayn.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.