Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Sidee loogu soo dhaweeyay Madaxweyne Deni Degmada Dangoroyo ? (VIDEO+Sawirro)
    Puntland

    Sidee loogu soo dhaweeyay Madaxweyne Deni Degmada Dangoroyo ? (VIDEO+Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 2, 2019Updated:November 2, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jira labada Gole ee Dowladda, ayaa galabta lagu soo dhoweeyay degmada Dangoroyo ee Gobolka Nugaal.

    Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland waxaa banaanka hore ee degmada Dangoroyo kusoo dhoweeyay masuuliyiin ka mid ah labada Gole ee Dowladda , Maamulka Degmada, Hogaanka Dhaqanka iyo boqolaal ka mid ah Bulshada kala duwan ee degmada Dangoroyo.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo fagaare kula hadlayey dadweynaha Dangoroyo, ayaa uga mahadeliyey soo dhoweynta, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay in waxyaabihii ay dadka deegaanka hore uga codsadeen oo ay ka mid aheyd dhismaha Wadada Dangoroyo iyo Eyl, uu ku faraxsanyahay in dhowaan shaqadeedu bilowmayso, oo wafdi uu hogaaminayo Safiirka Shiinaha oo arrimahaasi u yimi uu asbuucan booqday Eyl.

    Ugu danbeyntii Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhiirigeliyey dadka degmada Dangoroyo ka shaqeynta horumarka, Midnimada iyo Nabadgelyada guud ee Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.