Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni oo la kulmay Shacabka Degmada Dangoroyo+Sawirro
    Somalia

    Madaxweyne Deni oo la kulmay Shacabka Degmada Dangoroyo+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 3, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay degmada Dangoroyo kaga qeybgalay kulanka Bulshada degmada Dangoroyo oo ujeedkiisu ahaa xog-wareysiga Bulsho iyo Dowladdeeda.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni waxaa kulanka kala qeybgalay, Masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda, Maamulka Gobolka Nugaal iyo Kan degmada Dangoroyo, Hogaanka dhaqanka, Aqoonyahannada, Culimada, Siyaasiyiin Puntland xilal kasoo qabtay iyo boqolaal ka mid ah dadweynaha kala duwan ee degmada Dangoroyo.

    Kulanka waxaa lagu bilaabay Casho sharaf, kadibna Hogaanka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada oo hadalka furay ayaa bogaadiyey waxqabadka Dowladda, waxay sidoo kale Bulshada Dangoroyo uga mahadcelisay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni in uu fuliyey ballanqaadkii ahaa inuu wakhti fiican siiyo dadka deegaanka oo habeen ku hoydo Dangoroyo.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhammaadkii kulanka la hadlay Bulshada degmada, wuxuu ka mahadceliyey soo dhoweynta iyo kulankan oo muhim u ahaa Bulshada iyo Dowladdaba, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay Dowladdu ku howlantahay hirgelinta codsigii deegaanka ee dhismaha Wadada Eyl iyo Dangoroyo.

    Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in kulamo gaargaar ah uu la qaadanayo qeybaha kala duwan ee Bulshada Dangoroyo si uu u dhegaysto baahiyaha ka jira deegaanka iyo siday u kala muhimsanyihiin, kadibna ay Dowladdu ku go’aan qaadanayso markii ay waxqabad noqoto.

    Kulanka Madaxweynaha iyo Bulshada degmada Dangoroyo ayaa qeyb ka ah, kulamada Madaxweynuhu uu la yeeshay Bulshooyinka uu booqday. Waxaana Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdiga uu hogaaminayo ay caawa ku hoydeen Degmada
    Dangoroyo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.