Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo oo loogu baaqay inuu la heshiiyo Al-Shabaab iyo Somaliland
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo oo loogu baaqay inuu la heshiiyo Al-Shabaab iyo Somaliland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 12, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Agaasimaha Machada Arrimaha Siyaasadda ee Heritage C/rashiid Khaliif Xaashi ayaa ka hadlay xaaladaha siyaasadeed ee uu dalku galay maalmihii la soo dhaafay, isagoo sheegay in Soomaaliya aanay xiiso u qabin dagaal siyaasadeed.

    Mr C/rashiid ayaa sheegay in xaalada siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladda iyo mucaaradka ay hoggaaminayaan Madaxweynayaal hore inay mareyso meel halis ah.

    “Soomaaliya xiise uma qabto dagaal siyaasadeed maadaama boqolkiiba siddeetan muwaadintiinta Soomaaliyeed ay ku nool yihiin saboolnimo halka boqolkiiba 79% carruurta Soomaaliyeed iskuul ma aadaan”ayuu yiri qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku qoray.

    Agaasimaha Machada Arrimaha Siyaasadda ee Heritage C/rashiid Khaliif XaashiXaashi.

    Waxaa uu sheegay in Xiisada siyaasadeed ee jirta, shakiga iyo is eedeynta u dhaxeysa dowladda iyo mucaaradka ay halis weyn u yihiin in dhacdo amni darro ay dhacdo, haddii ay dhacdana ay horseedi karto dagaal iyo khal khal gelinta.

    Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay UN-ka iyo AMISOM in aanay iska indha tirin xaaladaha siyaasadeed ee taagan.

    Qoraalka uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu talo ugu jeediyay Madaxweyne Farmaajo “Mudane Madaxweyne Farmaajo waajibaadkaada shaqo ma aha in aad cashar barto siyaasiyiin ee shaqadaadu waa inaad noqoto aabe muuqaal u ah qaran guuldareysatay, Waxaa lagaa rajeynayay in aad heshiis la gaarto Al Shabaab, Somaliland, Puntland, Jubaland, Siyaasiyiinta Muqdisho, Soomaaliya waxa ay u baahan tahay nabad qiime kasta ha ku kacdee”

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.