Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo oo loogu baaqay inuu la heshiiyo Al-Shabaab iyo Somaliland
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo oo loogu baaqay inuu la heshiiyo Al-Shabaab iyo Somaliland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 12, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Agaasimaha Machada Arrimaha Siyaasadda ee Heritage C/rashiid Khaliif Xaashi ayaa ka hadlay xaaladaha siyaasadeed ee uu dalku galay maalmihii la soo dhaafay, isagoo sheegay in Soomaaliya aanay xiiso u qabin dagaal siyaasadeed.

    Mr C/rashiid ayaa sheegay in xaalada siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladda iyo mucaaradka ay hoggaaminayaan Madaxweynayaal hore inay mareyso meel halis ah.

    โ€œSoomaaliya xiise uma qabto dagaal siyaasadeed maadaama boqolkiiba siddeetan muwaadintiinta Soomaaliyeed ay ku nool yihiin saboolnimo halka boqolkiiba 79% carruurta Soomaaliyeed iskuul ma aadaanโ€ayuu yiri qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku qoray.

    Agaasimaha Machada Arrimaha Siyaasadda ee Heritage C/rashiid Khaliif XaashiXaashi.

    Waxaa uu sheegay in Xiisada siyaasadeed ee jirta, shakiga iyo is eedeynta u dhaxeysa dowladda iyo mucaaradka ay halis weyn u yihiin in dhacdo amni darro ay dhacdo, haddii ay dhacdana ay horseedi karto dagaal iyo khal khal gelinta.

    Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay UN-ka iyo AMISOM in aanay iska indha tirin xaaladaha siyaasadeed ee taagan.

    Qoraalka uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu talo ugu jeediyay Madaxweyne Farmaajo โ€œMudane Madaxweyne Farmaajo waajibaadkaada shaqo ma aha in aad cashar barto siyaasiyiin ee shaqadaadu waa inaad noqoto aabe muuqaal u ah qaran guuldareysatay, Waxaa lagaa rajeynayay in aad heshiis la gaarto Al Shabaab, Somaliland, Puntland, Jubaland, Siyaasiyiinta Muqdisho, Soomaaliya waxa ay u baahan tahay nabad qiime kasta ha ku kacdeeโ€

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.