Taliyaha Sirdoonka dalka Nigeria Axmed Rufaaci ayaa shalay booqasho qarsoodi ah ku yimid Magaalada Muqdisho, iyadoo amnigiisa si aad ah loo adkeeyay, intii ay socotay howsha soo dhoweyntiisa.
Taliyaha Sirdoonka Nigeria Axmed Abuubakar Rufaaci iyo Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin uu dhex maray kulan gaar ah, ayaa ka wada-hadlay iskaashiga labada heyโadood iyo sidii ay isku weydaarsan lahaayeen khibradaha la xiriira dhanka la dagaalanka Argagixisada.
Qoraal lagu qoray barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu yiri โWaxaa booqasho shaqo oo laba maalin ah ku yimid Muqdisho Agaasimaha Sirdoonka Naajeeriya (NIA) Axmed Abubakar Rufaaci, isagoo kulan laqaatay dhigiisa Soomaaliya Fahad Yasin, waxayna kala saxiixdeen isfaham iyo wada shaqayn buuxda oo dhex marta labada Hayโadood ee labada dalโ
Taliyaha Sirdoonka Nigeria Axmed Abubakar Rufaaci, ayaa xalay ku hoyday Magaalada Muqdisho, waxaana Xarunta dhexe ee NISA, loogu sameeyay casho, kaddib markii uu soo idlaaday kulankii uu la lahaa Fahad Yaasiin.
