Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo gaaray go,aan ka dhan ah Ra’iisulwasaare Kheyre+XOG
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo gaaray go,aan ka dhan ah Ra’iisulwasaare Kheyre+XOG

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 20, 2019Updated:November 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kulamo aan caadi aheyn ayaa 72 saac ee lasoo dhaafay ka socda xarunta Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho, kuwaas oo intooda badan u dhexeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin.

    Kulamadan oo ah kuwa isdabajoog ah ayaa intooda badan looga arrinsanayaa Kulanka Labo geesoodka ah ee la filayo in saacadaha soo socda uu dhexmaro Madaxweyne Farmaajo oo uu wehlinayo Taliyaha NISa iyo Madaxweynayaashii ka horeeyay haatan ah Hoggaamiyaasha Madasha Xisbiyadda Qaranka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

    Ilo-wareedyo ku dhow Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaa sheegay in kulamada intooda badan diirada lagu saaray sidii Madaxweyne uu u qancin lahaa Madaxweynayaashii ka horeeyay, gaar ahaan Xayiraadihii la saaray Safaradii ay ku tageen Magaalooyinka Kismaayo iyo Beledweyne.

    Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa la sheegay inay go’aansadeen in Eeda xayiraadihii Labaad Madaxweyne iyo Khilaafka Madasha Xisbiyadda Qaranka dusha loo saaro Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, kaas Dalka dib ugu soo laabtay xalay kaddib muddo 10 berri oo uu safar Dalka dibadiisa ku maqnaa.

    Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa la sheegay inay ka dalbanayaan Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh in la siiyo waqti si ay olale ugu galaan in meesha laga saaro Ra’iisulwasaare Kheyre, taas oo ah qorshe uu soo jeediyay Fahad Yaasiin.

    Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu la kulmo Madaxweyaashii ka horeeyay haatan ah Hoggaamiyayaasha Madasha Xisbiyadda Qaranka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, si loo xaliyo khilaafka Dowladda iyo Madasha oo gaaray meeshii ugu adkeyd.

    Wixii kasoo kordha kulamada hadda socda iyo kuwa qorsheysanba kala soco Idil News.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.