Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xildhibaanada Labada Aqalka ee BFS oo yeelanaya kulan wadajir ah & Dood
    Somalia

    Xildhibaanada Labada Aqalka ee BFS oo yeelanaya kulan wadajir ah & Dood

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta yeeshaan fadhi wadajir ah oo ay uga doodayaan Miisaaniyadda sanadka 2020-ka.

    Farriimo xalay loo diray Xildhibaanada labada Gole ayaa lagu wargaliyay kulankan, waxaana ka dhashay Dood ku aadan shirci ahaanshaha qabsoomida kulanka wadajirka ah ee Labada Gole ee Baarlamaanka.

    Qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa dood ka keeneen kulanka wadajirka ah, iyagoona tilmaamay inuu yahay mid aan sharciga waafaqsaneyn, isla markaana uu baalmarsan yahay Dastuurka KMG ah ee Dalka.

    Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ku dhaliilay Guddoonka Golaha inuu sharciga ku tumanayo, isla markaana kulanka wadajirka uu yahay mid aanu dastuurka qabin oo laga leeyahay dano kale.

    Guddoonka labada Gole ayaa ku doodaya in waqtiga oo yar awgiis ay doonayaan in labada Gole wadajir uga doodaan Miisaaniyadda sanadka 2020-ka, si loo ansixiyo, isla markaana horaanta sanadka 2020-ka loo howlgeliyo Miisaaniyadda.

    Heshiis is faham ah oo horay u dhex maray Guddoonka Labada Gole ayaa dhigayay in Miisaaniyadda ay wax ka ansixiyaan Golaha Aqalka Sare, iyadoo la xusuusto in khilaafkii ka dhex bilowday labada Gole uu sabab u ahaa ansixintii Miisaaniyadda sanadkan gaba-gabada ah ee 2019-ka oo markii Golaha Shacabka ansixiyay aan loo gudbin Aqalka sare, sidaasna uu ku saxiixay Madaxweyne Farmaajo.

    Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.