Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya oo kala saxiixday Heshiis dhanka Difaaca ah+Sawirro
    Somalia

    Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya oo kala saxiixday Heshiis dhanka Difaaca ah+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 20, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Heshiiskaan oo ku saabsan dhinaca difaaca iyo Milateriga ayaa Wakiilo ka kala socday Dowladaha Itoobiya Iyo Imaaraadka Carabta waxaa ay ku kala saxiixdeen shirka Bandhiga 16aad ee Diyaaradaha kaas oo ka socda Magaalada Dubai ee dalkaasi Imaaraadka Carabta.

    Dowladda Itoobiya ayaa waxaa heshiiska u saxiixay Wasiirka Difaaca dalkaas lemma megersa,halka Imaaraadka Carabta uu u saxiixay Wasiiru dowlaha Gaashaandhiga Mohamed Bin Ahmed Al-Bowardi.

    Heshiiska oo ah mid isfaham ayaa dhigaya in la iska kaashado dhinacyada difaaca iyo Millateriga,waxaana Wasiirka Difaaca Itoobiya lemma megersa uu sheegay in heshiiskaas uu yahay mid xoojinaya danaha labada dal.

    War lagu daabacay Wakaaladda Wararka Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in dowladda Imaaraadka ay dadaalo xoogan ugu jirto sidii ay xiriir wanaagsan ula yeelan laheyd wadamada gobolka iyo Caalamka intiisa kale.

    Dowladda Imaaraadka carabta ayaa horay markii uu xilka qabtay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxaa uu u siiyey lacag dhan 3 Bilyan oo Dollar, iyada oo xilligaas dhaqaalo darri badan ay ka jirtay dalkaas.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.