Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xil. Fiqi oo shaaciyay qorshe uu ka damacsan yahay Doorashada 2020 Madaxweyne Farmaajo (Akhriso)
    Somalia

    Xil. Fiqi oo shaaciyay qorshe uu ka damacsan yahay Doorashada 2020 Madaxweyne Farmaajo (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 25, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ayaa ka hadlay doorashada 2020-ka gaar ahaan damac uu sheegay inuu ku jiro Madaxweynaha Soomaaliya oo doonaya inuu dib u soo laabto.

    Fiqi ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu qaaday tallaabo kasta, iskuna dayey inuu bedalo qodobka 89-aad ee Dastuurka oo qeexaya nooca doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

    Sidoo kale wuuxu tilmaamay in Madaxweynuhu shiriyey xildhibaanno ka tirsan labada gole, si uu ugu qanciyo qorshiisa, balse uu ka waayey wax taageero ah.

    Halkan hoose ka aqriso:

    HALOO KALA DABQAADO MADAXWEYNAHA & QODOBKA 89-AAD EE DASTUURKA.

    Qodobka 89aad, faqradiisa koowaad ee dastuurka dalka oo ka hadlaya Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee 🇸🇴 wuxuu u qoran yahey sidatan:

    (1) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waa in ay doortaan labada gole ee Baarlamaanka oo wada fadhiya, waxaana guddoominaya fadhigaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah.

    Madaxweyne Farmaajo wuxuu muddadii saddexda sano aheyd ee uu talada hayey ka shaqaynayaa sidii asagoon waddo sharci ah u soo marin uu u bedeli lahaa qodobka 89-aad, xildhibanno waa shiriyey waqtiyo badan, hindise sharciyeedka doorashooyinka waa ku soo qortey, Guddoonka labada aqal ee barlamaanka waa qalqaaliyey, guddiga dib u eegista dastuurka wuu kala fariistey, wasiirkii hore ee dastuurka wuu kala hadley, ugu danbeynna xoogagga wadaniyiinta oo qura ayaa ku raacay.

    Madaxweynuhu illaa iyo hadda wuxuu ku qanci la’yahey qodobkii dastuuriga ahaa ee uu ku yimid, haddii uu rabo in uu mar kale soo tartamamana in uu wadadaas raaco. Haddii madaxweyne Farmaajo uu ku qanci waayey dastuurka dalka isla markaana sidaas ay ka go’an tahey wadada kaliya oo u furan waa ku dhawaaqidda afgembi mileteri, dastuurka dalka oo uu laalo iyo golayaasha barlamaanka oo uu kala diro, subaxda xigtana xoogagga wadaniyiintu ay banaanbax taageero ah banaanka ugu soo baxaan ayagoo ku dhawaaqaya “Cimrigii Jiryow, Jiryow, Jiryow, Caynaanka Hay…. Hay….Hay…. Weligaa Hay, Hay , Hay. Hay”.

    Dhar aad gadanayso ama tolanayso waad isku cabbiri kartaa sidaad jeceshahay laakin ma dhicin meel dastuur daleed uu hal qofi ku fakaro in uu isku jimeeyo, ka dibna damaciisa iyo hawadiisa le’ekaysiiyo. Madaxweynuhu waa inuu iimaansadaa dastuurka dalka weliba waajib ayey ku tahay inuu ilaaliyo waayo dhowrista dastuurka iyo shuruucda dalka ayuu horey ugu dhaartey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.