Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Axmed Karaash oo daah-furay olalaha 16-ka Maalmood ee ka hortagga Tacadiyada ka dhanka ah Jinsiga+Sawiirro
    Somalia

    Video:-Axmed Karaash oo daah-furay olalaha 16-ka Maalmood ee ka hortagga Tacadiyada ka dhanka ah Jinsiga+Sawiirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 25, 2019Updated:November 25, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay Ololaha 16ka Maalmood ee ka hortagga Tacadiyada ka dhanka ah Jinsiga, kaasoo muddo 16 cisho ah wacyigelintiisa lagu gaarsiin doono dhammaan gobolada Puntland.

    Kulanka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Puntland waxaa Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash ku weheliyey Labada Gole ee Dowladda sida Wasaaaraddaha Cadaaladda , Caafimaadka, Deegaanka iyo Shaqada, Shaqaalaha, dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Hay’adaha ku shaqo leh arrimaha Haweenka iyo xuquuqul aadanaha, Ururada Haweenka Puntland iyo marti sharafkale.

    Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyey Wasaaradda Haweenka iyo arrimaha qoyska iyo hayƔdaha kala shaqeeynaya wacyigelinta ku saabsan sidii looga hortegi laha tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

    Wuxuu Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash sheegay in Haweenku kaalin muhim ah kaga jiraan Bulshada, ayna Dowladdu ay kala shaqeynayso cidkastoo ku shaqo leh, sidii wax looga qaban lahaa tacadiyada dumarku la kulmaan.


    Ololaha 16-ka maalmood socon doona oo maanta ka bilowmay Puntland, waxaa Bulshada qeybaheeda kala duwan looga wacygelinayaa sidii meel looga soo wadajeesanlahaa tacaddiyada dumarku la kulmaan, maalmaha waxaa ku jiro kuwo mid walbo u asteeysantahay arrin gaar ah sida, dilka, kufsiga , gudniinka waxyeelada geysta iyo wixii la mid ah.

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    https://www.facebook.com/PuntlandStateTV/videos/580268819468333/
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.