Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Khilaafka Khayre iyo Farmaajo Oo Baarlamaanka kala qaybiyay
    Somalia

    Khilaafka Khayre iyo Farmaajo Oo Baarlamaanka kala qaybiyay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyDecember 23, 2019Updated:December 23, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaanada baarlamaanka fadaraalka,waxaa loo kala diray dhawr fariimood.

    Fariimahaas waxay ku salaysnaayeen ajandaha baarlamaanka.

    Fariinta koobaad waxay ahayd in ajandaha beri foog uu yahay cod uqaadista sharciga doorashada.

    Fariinta labaad waxay ahayd in la badalay ajandihii hore oo laga dhigay ka doodista sharciga …

    Fariimahan iska daba imaanayay ee jahwareerka keenay waxa sababaya khilaaf xoog badan oo soo kala dhexgalay madaxda sare ee Dowlada Fadaraalka.

    Farmaajo waxuu qabaa in doorashada sharcigeedu uu noqdo kii hore ee baarlamaanka loosoo gudbiyay.

    Fikirkaas waxaa ku raacsan Farmaajo Gudoomiye xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad.

    Khayre waxuu rabaa in sharcigaas oo wax laga badalay Baarlamaanku ansixiyo.

    Aragtidaas waxaa laqaba Khayre Gudoomiyaha Baarlamaanka Mursal iyo ku xigeenkiisa koobaad Muudeey.

    Sida warku sheegayo khilaafkaasi waxuu noqon doonaa mid banaanka usoo baxa.

    Xildhibaanada Baarlamaanka oo markii horaba kala qaybsanaa,ayaa la filayaa in ay sii kala foogaadaan sawaxankooduna Shacabka soo gaaro.

    Beesha caalamka iyo Dowlad Goboleedyada,waxay wataan qorshe ka duwan labadaas ay isku hayaan madaxda Dowlada Dhexe.

    Qorshahaaas waxuu yahay in ergada dooranaysa Xildhibaanka la gaarsiiyo 501 lagana soo xulo beesha uu ka dhashay iyo beelaha ay isku Deegaanka yihiin.

    Beesha Xildhibaanku kasoo jeedo in la siiyo 200 oo xubnood kuwa ay Deegaan wadaaga yihiina ay qaataan 300 oo xubnood.

    Ujeedka hanaankan doorasho,ayaa ah in Xildhibaanku ugu muuqdo mid wada matala Deegaankoo idil.

    Hanaankan doorasho waxaa ku dhagan oo dabada ka riixaya Wadamada Midowga Yurub,waxayna ubadan tahay in isaga ugu danbayn lawada qaato.

    Maalmaha soo socda,ayay wax walba kala cadaan doonaan hadii rabi idmo.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.