Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka oo sheegay in aysan Iran lug ku laheyn weerarkii Al-Shabaab ee Lamu
    Somalia

    Mareykanka oo sheegay in aysan Iran lug ku laheyn weerarkii Al-Shabaab ee Lamu

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 7, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in weerarkii kooxda Al-Shabaab ay ku qaadday saldhigga ciidamada militeriga ee Manda Bay ee Gobolka Lamu subaxnimadii hore ee Axadda aanu ahayn mid ay ku lug leedahay dowladda Iran.

    Taliska Mareykanka ee Africa ayaa meesha ka saaray warar ay tebiyeen qaar ka mid ah warbaahinta oo sheegaya in laga yaabo in Iran ku lug leedahay weerarkaasi.

    “Taliska Mareykanka ee Africa ma go’aamin in weerarkii shalay ee ay Al-Shabaab qaadday uu xiriir la lahaa Iran,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed.

    Warsaxaafadeedka ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu yiri, “inkastoo aan Iran looga shakisneyn in ay ku lug lahayd weerarkaasi, haddana Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa waxa uu arkay wadamo kale oo ay ku jirto Iran iney sii kordhinayaan saameyntooda gobolka Geeska Africa.”

    Taliska Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in la wiiqo awoodda kooxaha argagixisada ah si aysan markale awood ugu helin iney khatar geliyaan amaanka Mareykanka, muwaadiniinta Mareykanka, xulufada caalamiga ah iyo iney qalalaaso amni xumo ah ka abuuraan gobolka Bariga Africa.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.