Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni oo xil ka qaadis iyo magacaabis cusub sameeyay (Akhriso)
    Somalia

    Madaxweyne Deni oo xil ka qaadis iyo magacaabis cusub sameeyay (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 12, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa Xil-kaqaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Iyo Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu, isagoona u magacaabay Masuuliyiin cusub.

    Halkaan Hoose ka Akhriso Wareegtada Madaxweyne Deni.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.10 January 12, 2020 kusoo saaray magacaabis iyo xil-kaqaadis uu ku sameeyay Guddoomiyaha Iyo Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland.

    Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad, faqraddiisa 19-aad.

    Markuu arkay: Qodobka 87-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland

    Markuu arkay: Cabashooyinka taxanaha ah ee caddaalo-darro oo ka imanaya mas-uuliyiinta Dowladda qaarkood iyo dadweynaha Puntland.

    Markuu garowsadey: In dib-u-habeyn lagu sameeyo Guddoonka iyo Xeer-ilaalinta Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu.

    Wuxuu xeeriyey:

    1. Waxaa G/le. Cabdiqani Axmed Maxamed si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu.
    2. Waxaa G/le. Cabdirashiid Maxamed Cabdi si ku meel gaar ah loogu magacaabay Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu.
    3. Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyey Guddoomiyaha iyo Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu. Kuwaasi oo kala ah:

    3.1. G/sare. Cawil Axmed Faarax Guddoomiye
    3.2. G/sare. Cabdullaahi Xirsi Cilmi Xeer-ilaaliye

    Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

    = DHAMMAAD=

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.