Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ra’isalwasaare Khayre oo kulan la qaatay wasiirka arimaha dibada Norway
    Somalia

    Ra’isalwasaare Khayre oo kulan la qaatay wasiirka arimaha dibada Norway

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 15, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya,Xasan Cali Kheyre ayaa kulan gaar ah kula yeeshay Magaalada Doha ee dalka Qatar, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Norwey Børge Brende, waxayna ka wada hadleen arrimo ku aadan horumarinta xiriirka labada wadan.
     
    Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimda ay leedahay sii xoojinta xiriirka labada dal ee soo jireenka ah. Waxaana uu si weyn uga mahad celiyey doorka suuban ee ay dawladda Norway ku leedahay dib-u-dhiska Soomaaliya. Isagoona soo dhoweeyey sida dawladiisu ay xilligan ugu heelan tahay in ay gacan ka gaysto dadaalada lagu xasilinayo dalka iyo dhismaha dawladnimada Soomaaliya.
     
    “Xiriirka u dhexeeya labada dawladood waa mid aad u xoogan, taageerada ay Norway u fidiso Soomaaliyana waa mid sahlaysa dib¬-u–dhiska dalka, kadib, burburkii xooganaa ee ku dhacay dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
     
    Mudane Xasan Cali Kheyre Kheyre ayaa kulankii uu la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Norwey Mr. Børge Brende uga warbixiyey xaaladaha dalku marayo, iyo horumarada ay dawladdu ka samaysay dhanka dawlad wanaagga iyo nabad ku soo dabaalidda guud ahaan dalkeenna.
     
    Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Norway Børge Brende ayaa xusay inuu ku faraxsan yahay kulanka uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya , wuxuuna tilmaamay in dawladdiisu ay si toos ah u garab taagan tahay lana shaqeyn doonto dawladda Soomaaliyeed.
     
    DHAMAAD
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ciidamada Difaaca PL oo si adag u xasuuqay argagixisada

    August 22, 2025

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    August 22, 2025

    Dagaal kharaar oo ka socda Toga Baallade Ee Calmiskaad

    August 22, 2025
    Latest Posts

    Ciidamada Difaaca PL oo si adag u xasuuqay argagixisada

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Dagaal kharaar oo ka socda Toga Baallade Ee Calmiskaad

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.