Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirkada DP world oo ku guulaysatay dacwadii kala dhexeysay Jibuuti
    Somalia

    Shirkada DP world oo ku guulaysatay dacwadii kala dhexeysay Jibuuti

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 14, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirkadda DP World ayaa ku guuleysatay wareeg kale oo sharci ah oo ka dhan ah dowladda Jabuuti oo ku aadan dekeda Doraleh. 

    Maxkamaa Xallinta Khilaafaadka Caalamiga ah ee London ayaa ku amartay Jabuuti inay soo celiso xuquuqaha iyo faa’iidooyinka iyada oo la raacayo heshiiskii 2006 ee DP World iyo Shirkadda Doraleh ama labo bilood gudaheed ku bixiso magdhow.

    Khabiir madax-bannaan ayaa ku qiyaasay khasaaraha shirkadda DP World in ka badan $ 1 bilyan.

    Maxkamadda ayaa sheegtay in Jabuuti ay ku kacday arrin sharci darro ah markii ay si qasab ah uga saartay shirkadda DP World maarayntii dekeda Doraleh bishii Feberaayo 2018.

    Shirkadda DP World ayaa hadda ka sugaysa Jabuuti inay u hogaansaanto xukunkii sharci ee ugu dambeeyay.

    22-ka bisha Febraayo ee sanadkii hore 2018-ka ayaa shirkadda DP World si rasmi ah shaqada dekadda looga joojiyey, iyada oo maamulka dekadda Dooraale gacanta ku haysay tan iyo 2006-dii.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.