Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay geerida Daa’uud Cali Masxaf
    Somalia

    Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay geerida Daa’uud Cali Masxaf

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 25, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Allaha u naxriistee waxaa magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Itoobiya ku geeriyooday fanaankii Soomaaliyeed Daa’uud Cali Masxaf oo mudooyinkii ugu dambeeyey ku xanuunsanayay dalka Itoobiya.

    Ra’iisul Wasaare ayaa tacsi u diray dhammaan umada Soomaaliyeed oo uu ka baxay Fanaanku, waxaana uu sheegay in uu waqti badan ku bixiyay horumarinta Fanka.

    “‎‬Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, Bahda fanka iyo ehelkii uu ka baxay Daa’uud Cali Masxaf. Marxuumka waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo ehelkiisana uu samir iyo iimaan ka siiyo.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

    Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed ka tacsiyadeyeey geerida Alfanaan Daa’uud Cali Masxaf oo ka tirsanaa Hobalada Qaranka ee Waaberi ayaa eebe uga baryay in uu janadii Fardowso uu ka waraabiyo.

    Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa si gaar ah uga tacsiyadeyeey Hobalada Qaranka ee Waaberi oo uu ka tirsana aiyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan eheladiisa.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.