Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay banaan-baxyadii Muqdisho.
    Somalia

    Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay banaan-baxyadii Muqdisho.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 26, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynihii Dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya ahna Gudoomiyaha madasha xisbiyada qaran Shariif Sheekh Axmed, ayaa war ka soo saaray dilkii habeen kahor loogu geystay degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir labo ruux oo shacab ahaa, iyo dibadbaxyo ka dhashay falkaasi.

    Shariif Sheekh Axmed oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay inay tahay wax laga xumaado ayna cambaareynayaan dadkii shacabka ahaa ee lagu dilay Muqdisho sabab ka dhalatay Bandowga la soo hormariyey, isagoona intaas ku daray in horay ay talo ku bixiyeen in shacabka uu culays ku yahay waqtiga.

    “Ugu horeyn waxaan cambaareyneyna falkii sharcidarada ahaa ee dad shacab ah booliska ugu dileen Magaalada Muqdisho, waxaana ku baaqaynaa in askartii ka dambeysey falkaas, iyo cidii amartayba sharciga la horkeeno cadaaladana lamaroyo” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

    “Marka labaad waxaan horey uga dignay in waqtiga bandowga uu culees ku yahay dadka Muqdisho oo horey ugu dhibanaa wadooyinka laga xirey, innaga oo ku talinay in ilaa 9:00 PM ilaa 10:00 PM habeennino dib loo dhigo bandowga, waxaana markale ku baaqaynaa in xilligaas laga dhigo maadaama aan aragno dhibaatada ka dhalatay waqtigii hore.

    Ugu dambeyntii, Madaxweynihii Dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya ahna Gudoomiyaha madasha xisbiyada qaran Shariif Sheekh Axmed, ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada dadkii sida sharci darrada ahaa loo dilay, isagoona alle uga baryay inuu samir iyo iimaan ka siiyo, dadkii ladilayna qabriga Allaha u waasiciyo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.