Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wararkii ugu danbeeyay Biyaha Qardho kusoo rogmaday
    Somalia

    Wararkii ugu danbeeyay Biyaha Qardho kusoo rogmaday

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 27, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Last Update Qardho:-

    1: Biyaha Magaalada soo galay ayaa guud ahaan saameeyay Xaafadaha, Marka laga reebo aaga kore ee Xorgoble, Guri iyo Goob ganacsi oo kale oo aysan gelin waa yartahay.

    2: Guud ahaan Suuqii Magaalada ayaa biyuhu la tageen, Bakhaaradii raashinka, Kuwii Dhismaha, Suuqyadii Khudaarta iyo Caanaha, Kuwii adeegyada bulshada inta biyaa buuxa-dhaafshay.

    3: Dhalinyaro is-abaabulay oo u badan intii Magaalada ku cawaynaysay ayaa gurmad fidiyay waxay gaareen Guryo dad ku go’odoonsanaayeen kuwaas oo u badan Aaga Gufure, Aaga Shimbiraale iyo Xingood Hoose qaarkeed.

    4: Dawlada iyo Maamulka Gobolka Karkaar oo dhankooda is-kaashanaya ayaa iyaguna hawlo-shaqo waddo, Cafag-Cag ay dawladu leedahay ayaa dumisay guryo lagu go’doonsanaa iyadoo gurmad loo fidiyay dadkii halkaas ku jiray.

    5: Gaari Nooca Xamuulka ah oo Sida 10 Neef oo Geel ah una socday Magaalada Boosaaso ayaa Aaga Xarunta Gobolka Karkaar Yaal, Dadkii uun ayaa laga soo bad-baadshey.

    6: Xaafadaha ku dhaw Buundada Qardho ayaa in-badan oo ka mid ah ay dumeen, Buundada laftigeeda in ay dhaawac qabto ayaa laga shakisan-yahay. Garaawida ayaana Kaantaroolada lagu celinayaa.

    7: Koronta ayaa guud ahaan ka Maqan Magaalada, Dadka intooda badan taleefonadoodu waa ay ka dameen laysmana haleeli karro.

    8: Weli si rasmi ah looma xaqiijiyin geeri laakiin xaafada qaar in dad ay biyuhu qaadeen ayaa la werinayaa. Dadkuna isumaba-warhayaan, isumana gudbi-karaan

    9: Dadka qaarkood waxay saaran-yihiin derbiya guryahooda, Caruuro iyo Waalid ayaa guryaha qaar laga daad-gureeyay.

    10: Biyaha ayaan weli maraya meelkasta oo Magaalada ka mid ah, inay soo bataan mooye sinaba uma yaraanayaan.

    11: Dad biyo iska wateen kana dhex-qalinaya ayaa si kedis ah loo arkay, loona bad-baadiyay.

    Mohamud nadiif shire

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.