Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sheekh Shariif “Soomaaliya Awood uma laha ka hortagga COVID-19”
    Somalia

    Sheekh Shariif “Soomaaliya Awood uma laha ka hortagga COVID-19”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 28, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka hadlay Cudurka Coronavirus,kaas oo maalmihii la soo dhaafay ay korortay kiisaska horka leh ee laga helayo Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

    Sheekh Shariif ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay qaataan talooyinka Caafimaad,isaga oo tallooyin looga hortagayo Cudurka u jeediyey Shacabka Soomaaliyeed.

    “Khatarta cudurka Coronavirus ee dalkeenna waxay maraysaa xaalad adag oo u baahan in aad loo raaco talooyinka dhakhaatiirta caafimaadka ay noo soo gudbinayaan sida, Sanka & afka oo la xirto, in gacmaha oo saabuun lagu dhaqo,in Gacmaha oo laga ilaaliyo afka,sanka & indhaha iyo in la kala fogaado ugu yaraan laba mitir.

    Sidoo kale Sheekh Shariif waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay in Cudurkan wax ka qabashadiisa ay awoodi waayeen dowladihii waaweynaa,hayeeshee Soomaaliya aysan awood u laheyn inay waxka qabato.

    “Xanuunka Covid-19 waxaa la itaal daran oo wax ka qaban la dowladahii aduunka ugu awoodda badnaa, sidaa awgeed Soomaaliya awood badan uma lahan ka hortagga cudurkaan, laakiin haddaan iskaashanno oo fariimaha caafimaadka aan wadajir u fulinno waxaan ku guulaysan karnaa ayuu yiri” Sheekh Shariif.

    Soomaaliya ayaa waxaa ay kamid noqotay dalalka Qaaradda Afrika ee uu siweyn u saameeyey Cudurka Coronavirus,waxaana haatan la diiwaangeliyey ilaa 480th kiis.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.