Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Beesha Caalamka oo soo dhaweysay heshiiskii Madaxweynaha Jubbaland iyo mucaaradkiisii.
    Somalia

    Beesha Caalamka oo soo dhaweysay heshiiskii Madaxweynaha Jubbaland iyo mucaaradkiisii.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 28, 2020Updated:April 28, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay heshiis ay dhowaan magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya ku gaareen Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Golaha Is-bedel doonka Jubbaland, kuwaas oo ku kala Irdhoobay Doorashadii bishii August ee sanadkii tagay ee 2019.

    War-saxaafadeed kasoo baxay Xubnaha Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in heshiiska ay wada-gaareen Madaxweynaha Jubbaland iyo mucaaradkiisii ay horseedayso in la soo afjaro kala qeyb-sanaantii ka dhalatay Doorashadii Jubbaland, waxaana ay intaas ku dareen in loo baahan yahay in dhinacyadu ay sii wadaan dhaqan-gelinta heshiiskii 20-April lagu gaaray Nairobi.

    Sidoo Kale, Beesha Caalamka ayaa bogaadisay aragtida Hoggaanka Jubbaland ee aheyd in miiska wada-hadalka lagu dhameeyo khilaafkii ka dhex jiray Jubbaland iyo inay diyaar u yihiin wada-hadal ay la galaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Ugu dambeyntii, Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay diyaar u tahay dadaalada lagu soo gaba-gabeynayo khilaafyada ka dhex jira Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS, iyadoona sidoo kale soo dhaweysay soo afjaridii khilaafkii ka dhashay Doorashadii Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

    Halkaan Riix si aad u Akhrisato War-saxaafadeedka Beesha Caalamka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.