Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madasha Xisbiyadda Qaranka oo walaac ka muujisay Hoggaanka NISA (Akhriso)
    Somalia

    Madasha Xisbiyadda Qaranka oo walaac ka muujisay Hoggaanka NISA (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 29, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ay warqad u direen Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya taas oo ay walaac uga muujinayeen Shaqada Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya.

    Qoraalka ayaa waxaa ay ku sheegeen in ay aad uga walaacsan yihiin xoagaha maalmahaan soo baxayay oo sheegayay xiriir iyo wadashaqeyn ka dhaxeeysa Hay’adda NISA iyo Ururka Al-Shabaab taas oo shaki weyn ku abuurtay.

    Madasha Xisbiyada waxaa ay sheegeen in markii ay arkeen wararkaan soo baxay,dhacdooyinkii waaweynaa ee dalka ka dhacay oo uu kamid yahay dilkii Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng, C/raxmaan Yariisow iyo dhacdooyin kale ay ku qanceen xogaha laga baahiyey Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya.

    Madasha Qoraalka ay u direen Madaxda dalka ayaa waxaa ay ku dalbadeen in baaritaan dhab ah lagu sameeyo dilkii Guddoomiyihii G/Banaadir iyo xogaha soo baxayay ee sheegayay wadashaqeynta Taliyeyaasha Hay’adda NISA iyo Al-Shabaab.

    Sidoo kale waxaa ay dalbadeen in Warbaahinta iyo Baraha Bulshada ee Hay’adda NISA aan loo adeegsan dano gaar ah laguna marin habaabin ra’yiga dadweynaha.

    Ugu dambeyn Madasha xisbiyada Qaran waxaa ay sheegeen inaysan ku qancin jawaabtii ay dowladda Soomaaliya ay siisay Warbaahinta Kenya qoraalkii ay baahiyeyen 17/4/2020,kaas oo ku saabsanaa wadashaqeyn ka dhaxeysa Hay’adda NISA iyo Ururka Al-Shabaab.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.