Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawirro: Wabiga Shabeelle oo ku fatahay Tuulooyin hoos-taga Magaalada Jowhar
    Somalia

    Sawirro: Wabiga Shabeelle oo ku fatahay Tuulooyin hoos-taga Magaalada Jowhar

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 4, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wabiga Shabeelle ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu fatahaado horleh  ka sameeyey tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe,kuwaas oo qaarkood dadkii deganaa ay isaga barakacaan.

    Tuulooyinka uu Wabiga ka fatahay oo dhamaantood hoostaga Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle kuna yaalla Jiinka Wabiga ayaa waxaa ay kala yihiin, Muriyaale, Lamawaab, Buulo Bishaar, Gaafaay, Timire, Magadley, Raqayle, Dayma Same,  Raqayloow Buurdheere, Xaanshooley, Geedo Barkaan, Buur Fuule iyo Jowhar Soomaali.

    Deegaannadaan uu fatahaada ka sameeyay Wabiga Shabeelle ee hoostaga Magaalada Jowhar ayaa waxaa badi isaga barakacay dadkii danyarta ahaa ee deganaa,iyaga oo ka cabsi qaba inay waxyeelo kasoo gaarto.

    Mas’uuliyiinta ugu sareeysa Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa dhawaan waxaa ay booqdeen tuulooyinka qaar ee uu Wabiga ka fatahay ,iyaga oo ku baaqay in dadka iyo Madaxda Sare ee Hir-Shabeelle looga baahan yahay inay ka hortagaan fatahaada Wabiga.

    Tuulooyin kale oo hoostaga Magaalada Jowhar ayaa laga cabsi qabaa in uu Wabiga ka fataho,waxaana xusid mudan in dowladda Soomaaliya ay wafdi ainjineero ah u dirtay Magaalada Beledweyne ee Xarunta  Gobolka Hiiraan oo ay ka taagan tahay cabsi la xiriirta fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelle.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.