Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xoghayaha QM oo si kulul uga hadlay xaalada Gobalka Gedo
    Somalia

    Xoghayaha QM oo si kulul uga hadlay xaalada Gobalka Gedo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 17, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xoghayaha guud ee Qaramada oo ka hadlay xaaladda gobolka Gedo ayaa sheegay inuu si xoogan u cambaareynayo dhaq dhaqaaqyada ka jira gobolkaasi ee u dhexeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland.

    Antonio Guterres ayaa sheegay in ciidanka ay dowladda Soomaaliya bishii Febraayo ay geysay gobolka Gedo ay sababtay isku dhacyo iyo xiisado dagaal oo ho leh.

    Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalladii u dambeeyey ee dhex-maray labada ciidan ay waxyeelo ka soo gaartay dad badan oo shacab ah, kuwa kelana ay ku barakaceen.

    “Waxaan aad uga walaacsanahay isku-dhacyadda hubeysan ee ciidamadda Jubbaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ka dhacay Gedo, kuwaas oo sababay khasaaraha iyo barakaca dad shacab ah,” ayuu yiri xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

    Waxa kale oo uu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland inay joojiyaan xiisada ka jira koonfurta Soomaaliya, si looga hortago rabshade kale oo dhaca.

    Guterres ayaa sidoo kale la filayaa in mowqifkiisa ku aadan xaaladda cakiran ee gobolka Gedo uu ku cadeeyo khudbad uu ka jeedin doono shirka Golaha Ammaanka ee QM.

    Ugu damgbeyn xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyey heshiiyadii dhowaan laga gaaray khilaafaadyadii ka dhashay doorashooyinkii ka kal dhacay magaalooyinka Kismaayo iyo Dhuusamareeb ee maamullada Jubbaland iyo Galmudug.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.