Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Askar Sacuudiyaan ah oo lagu dilay xadka Yemen
    Somalia

    Askar Sacuudiyaan ah oo lagu dilay xadka Yemen

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 4, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Askar ka tirsan ciidanka Sucuudiga ayaa waxyeelo soo gaartay xilli ay isku dhacyo ka socdeen koonfur-galbeed dalka Sacuudiga, sida lagu sheegay war ay baahisay warbaahin xiriir la leh Xuutiyiinta ka dagaalanta dalka Yemen.

    Isku dhacyadda ayaa ka dhex qarxay xoogga Xuutiyiinta iyo ciidanka Sucuudiga, sida uu baahiyay website-ka Ansarullah. Ma jiro war weli kasoo baxay mas’uuliyiinta Sucuudiga.

    Yemen waxaa ka jiray qas iyo khalalaase tan iyo sanadkii 2014-kii,  markii falaagada Xuutiyiinta ay la wareegeen inta ugu badan wadanka oo ay ka mid tahay magaaladda Sanca.

    Xasaradaha ayaa kasii daray markii military-ga Sucuudiga iyo xulifo  uu hoggaminayo ay Xuutiyiinta ku qaadeen olole cirka ah, si ay dib talada ugu celiyaan dowladda calamku aqoonsanyahay ee Yemen.

    Xulifadu waxay Yemen faro-geliyeen bishii March sanadkii 2015-kii, kadib markii ay Xuutiyiintu cayriyeen dowladda uu hoggamiyo Cabdurabbi Mansuur Haadi, isla markana ay caasimadda Sanca ka qabsadeen dabayaaqadii sanadkii 2014-kii.

    Tobanaan kun oo reer Yemen ah ayaa la rumeysanyahay in ay ku dhinteen colaadaha, halka 14 million oo kale ay khatar ugu jiraan macluul, sida ay sheegtay Qaramadda Midoobay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.