Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geerida Drs. Xaawo Cabdi
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geerida Drs. Xaawo Cabdi

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 5, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyey qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuum Xaawo Cabdi Dhiblaawe oo ka mid ahayd hormuudka samefalayaasha Soomaaliyeed.

    Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Dr. Xaawo Cabdi ay u adeegaysay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada nugul iyada oo daadaal muuqda gelisay samatabixintooda wakhtiyadii adkaa ee uu dalku soo maray.

    “Alle ha u naxariistee Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe waxa ay baal dahab ah kaga jirtaa sooyaalka dalkeenna, maadaama ay si isxilqaan ah muddo badan ugu adeegaysay dadkeenna danyarta ah, saameyn wanaagsanna ay ku yeelatay nolasha kumannaan qoys oo Soomaaliyeed, taas oo muujineysa hammiga iyo himilada ay u qabtay horumarinta dalkeeda iyo dadkeeda.”

    Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumadda Alle u weydiiyey in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskeeda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.