Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Suuq Weyn oo Imaaraadka ku yaala oo Dab ka kacay (VIDEO)
    Somalia

    Suuq Weyn oo Imaaraadka ku yaala oo Dab ka kacay (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 6, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wararka ka imaanaya dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in Imaaraadda Ajman suuq weyn oo ku yaala uu dab qabsaday, abaare saacaddu markii ay aheyd 6:30pm, xilliga wadankaas, sida uu baahiyay wargeyska Gulf News ee ka soo baxay Imaaraadka.

    Waaxda dab damiska ee difaaca madaniga loo yaqaano ee Imaaraad Ajman ayaa goor dambe ku guuleystay in ay xakameeyaan dabka, ayagoo kaashanaya waaxiyaha dab damiska Dubai, Shaariqa (Sharjah) iyo Ummul Quwain.

    https://www.youtube.com/watch?v=OeN3FPOy5Ms

    Lama soo warinin wax khasaare nafeed ah oo dabkaas sababay, waaxda difaaca madaniga ah ayaa hadda ku howlan sidii loo hagaajin lahaa goobtii dabka ka kacay.

    Suuqa dabka qabsaday ayaa ah goob muhiim ah oo dadweynaha ka adeegtaan sidoo kalena waxaa ku yaalaa xaafad warshado badan ku yaalaan.

    Muuqaalo lagu baahiyay qalabka warbaahinta ayaa waxaa ka muuqanaya holac iyo qiiq qariyay dhismaha suuqa.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.