Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muwaadin Soomaaliyeed oo tooreey lagu dilay dalka Koonfur Afrika
    Somalia

    Muwaadin Soomaaliyeed oo tooreey lagu dilay dalka Koonfur Afrika

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 3, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa Gudaha dalka Koonfur Afrika dhaawac tooreey oo loo geystay ugu geeriyooday Ibraahim C/llaahi Maxamed oo kamid ahaa Soomaalida Ganacsi ahaan u tegay dalkaasi Koonfur Afrika.

    Marxuumka ayaa waxaa la sheegay in Maalmo ka hor ay tooreey Wadnaha kaga dhufatay Haweeneey ay murmeen, kaddib khilaaf soo kala dhex-galay, waxaana uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla degaanka Kalaamos oo ku dhow Tuulada Paarl ee Magaalada Cape Town.

    Qaar kamid ah ehellada Marxuumka ayaa xaqiijiyay geeridiisa, waxaana ay sheegeen in dhaawac culus oo ka gaaray Wadnaha uu u geeriyooday, iyada oo Haweeneydii falkaasi ka dambeeysay ay xireen Ciidamada Booliska dalka Koonfur Afrika.

    Dalka Koonfur Afrika oo kamid ah wadamada Afrika ayaa waxaa kusii kordha dilalka muwaadiniinta Soomaaliyeed loo geysto xilliyada sanad dhammaadka, iyadoo aanay muuqan Dadaalo dhab ah oo ay arrintan ugu istaageen Masuuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi Koonfur Afrika iyo laamaha Amniga dalkaas.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.