Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»XOG: Sirdoonka Puntland oo fashiliyay qorshe lagu burburinayay Ciidanka PSF-ta ?
    Somalia

    XOG: Sirdoonka Puntland oo fashiliyay qorshe lagu burburinayay Ciidanka PSF-ta ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 6, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa fashilmay qorshe kale oo Puntland lagu khalkhal galin lahaa kadib isku daygii hore ee Mooshinka Baarlamaanka.

    Ciidamo wata 7-Gaadiidka Dagaalka ah oo gaaraya 120-Nin kana tirsan Ciidanka sida adag udiyaarsan ee PSF,ayaa soo gadooday maalin ka hor.

    Ciidankaas,ayaa soo gaaray Qardho waxayna ka cawdeen lacag yar oo ay sheegeen in Mushahaarkooda laga jaray.

    Kadib wada hadal lala galay waxaa laga qanciyay tabashadii ay sheegteen,waxaana lagu amray in ay dib ugu laabtaan difaacoodii.

    Balse si lama filaan ah ayay dhanka Garowe ugu soo dhaqaaqeen,taasoo keentay in Ciidamo kala duwan oo Puntland ah ku baxaan,waxaana lagu hakiyay Dangoronyo.

    Halkaas markay wax marayaan,ayaa waxay sirdoonka Puntland oo maalmahan ku mashquulsanaa arinta Ciidankan soo heleen xogta qorshaha ka danbeeya gadoodka Ciidankan.

    Qorshaha,ayaa ahaa in ay Garowe galaan kadibna qabsadaan Baarlamaanka,garoonka iyo goobo kale.

    Qorshahan fashilmay waxaa xiriiriyaal ka ahaa Cabdixamiid Dirir oo jooga Xamar ahna Talyaha Ciidamada Badda Fadaraalka,isagoo Taleefoonka iskugu xiray Fahad iyo saraakiisha wadata Ciidankan.

    Sidoo kale waxaa gudaha Puntland hawl fuliye ka ahaa Cali Yuusuf Cali Xoosh.

    Wasiir Xayir oo maalin ka hor soo gaaray Garowe,ayaa keenay lacagta wax lagu furfurayay.

    Inqilaabkii labaad waa fashilmay Ciidankiina waxaa dib loogu celiyay Qardho.

    Madaxweyne Deni,ayaa amray Maxkanada Ciidamada in ay tagto Qardho kiiskana baarto isla beri.

    Talyaha Ciidanka Madaxtooyada Jaamac Dirir,ayaa door muuqda ja qaatay fashilinta qorshahan.

    PSF waa Ciidan aad utababaran qalabaysan oo dhaqaalaysan mana dhicin taariikhda in ay gadoodaan.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.