Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Boqolaal qof oo lagu xasuuqay dagaalka ka socda Dalka Itoobiya
    Somalia

    Boqolaal qof oo lagu xasuuqay dagaalka ka socda Dalka Itoobiya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 16, 2020No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta sheegtay in ay qabsatay magaalo kale oo ku taal woqooyiga gobolka Tigray ka dib ku dhowaad laba toddobaad oo dagaal culus ka socday waqooyiga dalkaas kuna sii fiday wadanka dariska la ah ee Eritrea.

    Boqolaal ayaa ku dhimatay, ugu yaraan 20,000 oo qaxooti ah ayaa u cararay dalka Suudaan waxaana jira warbixino sheegaya xasuuqyo tan iyo markii uu Abiy amar ku bixiyay duqeymo xagga cirka ah iyo weerar dhulka ah oo lagu qaado taliyayaasha Tigray ee diidan maamulkiisa.

    Colaaddu waxa ay khatar gelin kartaa furitaanka dhaqaale ee dalkaasi, waxay kicineysaa dagaalo qowmiyadeed oo ka dhaca waddanka 2aad ee ugu dadka badan Afrika, waxa ayna sumcad daro ku ridaysaa Abiy oo ku guuleystay abaalmarinta Nobel Peace Prize sanadkii la soo dhaafay oo lagu amaanay heshiis nabadeed oo uu la galay Eritrea.

    Jabhadda Tigray People’s Liberation Front (TPLF), oo xukunta gobolka in ka badan 5 milyan oo qof, ayaa ku eedeysay Eritrea in ay u dirtay taangiyo iyo kumanaan askari xadka si ay u taageeraan ciidamada federaalka Itoobiya. Asmara ayaa taas beenisay.

    Ciidamada Tigray ayaa gantaallo ku ganay Eritrea bilawgii asbuucaan.

    Guddi howleed uu soo saaray Abiy si ay ula tacaalaan jawaabta dowladda ee dhibaatada, ayaa sheegay in ciidamadu “ka xoreeyeen” magaalada Alamata kooxda TPLF. “Way carareen, iyagoo watay ku dhowaad 10,000 oo maxbuus,” ayay hadalkooda raaciyeen mana aysan sheegin halka ay aadeen.

    Isgaarsiinta oo inta badan hawada ka maqan warbaahinta gudaha iyo tan dibada si madax-bannaan uma xaqiijin sheegashooyinka ay sameeyeen labada dhinac.

    Ma jiro wax faallo ah oo degdeg ah oo ay ka bixiyeen hogaamiyaasha Tigray dhacdooyinkii ka dhacay Alamata, oo u dhaw xadka gobolka Amxaarada, oo qiyaastii 120 km (75 mayl) u jirta caasimada Tigray ee Mekelle.

    Hogaamiyaha kooxda TPLF Debretsion Gebremichael ayaa ku booriyay qaramada midoobay iyo midowga afrika in ay cambaareeyaan ciidamada federalka itoobiya, isagoo ku eedeeyay in ay adeegsadeen hub casri ah oo ay kujiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weerarada ayuu sheegay in ay burburiyeen biyo xireen iyo warshad sokor.

    “Abiy Ahmed wuxuu dagaalkan ku qaadayaa shacabka Tigreega asagaana mas’uul ka ah ujeedada laga leeyahay in la dhibaateeyo aadanaha iyo la burburiyo mashaariicda waaweyn ee kaabayaasha dhaqaalaha,” ayuu yiri.

    “Annagu ma nihin kuwii abaabulay khilaafkan waxaana muuqata in Abiy Ahmed uu u qaaday dagaalkan isku day uu ku xoojinayo awoodiisa shaqsiyadeed,” ayuu raaciyay, isaga oo ka digay in Itoobiya ay noqon karto wadan fashilmay ama kala daadsan.

    FIDITAANKA DAGAALKA

    Dagaalku wuxuu ku faafay meelo ka baxsan Tigray waxa uuna gudbay gobolka Amxaarada, oo ciidamadeeda maxalliga ahi ay gacansaar la leeyihiin xoogagga Abiy. Jimcihii, gantaallo ayaa lagu garaacay laba garoon diyaaradeed oo ku yaal Amxaarada taas oo kooxda TPLF ay sheegtay in ay aargud u tahay duqeymaha ay dowladdu geysato.

    Hoggaamiyeyaasha Tigray waxay ku eedeeyaan Abiy, oo ka soo jeeda qowmiyadda ugu badan ee Oromada sidoo kalana ah hoggaamiyaha ugu da’da yar Afrika, inuu silciyay iyaga oo ka nadiifiyey dowladda iyo ciidamada amniga labadii sano ee la soo dhaafay.

    Amnesty International waxa ay cambaareysay dilka tiro dad ah iyo suura gal boqolaal shaqaale rayid ah xasuuqa ayaa labada dhinac midba midka kale ku eedeeyay.

    Ciidamada TPLF waxa ay gaarayaan ku dhowaad 140,000 oo askiri waxa ayna haystaan  khibrado badan oo ay ka heleen la dagaalanka Al Shabaab ee Soomaaliya iyo kooxaha mucaaradka ee ka jira gobolada xuduuda, waxaa intaa dheer in labaatan sano oo ay xurguf kala dhaxeyso Eritrea.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.