Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Fahad Yaasiin oo lagu eedeeyay inuu xiriir la lee yahay Al-Qaacida (Warbixin)
    Somalia

    Fahad Yaasiin oo lagu eedeeyay inuu xiriir la lee yahay Al-Qaacida (Warbixin)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 17, 2020No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wargayska lagu magacaabo Washinong Eximar ee kasoo baxa dalka Maraykanka ayaa qoray maqaal dheer uu kaga hadlayo xiriirka ka dhaxeeyo taliyaha hay’adda naba sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya Fahad Yasin iyo urur waynhaa al-Qaacida oo ka dagaalamo meelo badan oo dunida kamid ah oo ay Soomaaliya ku jirto.

    Wargayska ayaa maqaalkan ciwaan uga dhigay “Madaxa sirdoonka Soomaaliya waxa ay wadashaqayn kala dhaxeesaa al-Qaacida, ee sideen u maal galinaa”.

    Soomaaliya ayaa waxa ay kamid tahay dalalka ay lacagaha badan ku bixiso dowladda Maraykanka, sanadihii ugu danbeeyay Marayakan waxa uu soomaaliya ku bixiyay boqolaal milyan oo doolar.

    Bishii aynu kasoo gudubnay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto iyo wasiirka maaliyada Abdirahaman Duale Bayle ay saxiixdeen heshiis lagu dhimayo daynta uu Maraykanka ku leeyahay Soomaaliya, iyadoona Soomaaliya markii ay gaarto maraxalada ugu danbeeso ee deen cafintana uu u balan qaaday in uu ka dhaafi doono hal bilyan oo doolar sida ay sheegtay safaaradda Maraykanka.

    Maalgalinta ugu badan ee Maraykanka ayuu wargaysku sheegay in uu ku bixiyay madaxwayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo balse rajadii ay wasaaradda arimaha dibadda ee Maraykanka ay lahayd ayaa u muuqanayso mid meesha kasii baxayso.

    Wargayska ayaa madaxwayne Farmaajo ku tilmaamay mid haya dhabihii madaxwaynihii hore ee dalka Mamaed Siyaad Barre oo lagu tilmaamo in uu ahaa kaligii talis talis ugu danbeenna xilka looga tuuray qaab awood ah taas oo dalka u horseeday in uu noqdo qaran fashilmay.

    Farmaajo waa madaxwaynaha Soomaaliya balse ninka ugu awooda badan dalka waa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ah madaxa hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka. Maraykanka ayuu sidoo kale sheegay in uu maalgaliyo hay’adda sirdoonka taas oo Fahad usuura galisay in uu deeq toos ah kahelo Maraykanka balse waxa uu sidoo kale tilmaamay in uu lacag ka helo dowladaha Qatar iyo Turkiga.

    Maqaalka wargayska ayaa lagu yiri marka dib loo raaco taariikhda Fahad waxa ay muujinaysaa in uu yahay ninka dowladda Soomaaliya ugu jiro urur waynaha al-Qaacida.

    Qoraaga maqaalkan oo lagu magacaabo Michael Rubin, ayaa ka sheekeeyay taariikh nololeedka taliyaha hay’adda Nissa Fahad Yasin, sida halka uu ku dhashay, goorta uu dhashay, waxbarashadiisii iyo howlihii shaqo ee uu soo qabtay xilkan kahor.

    Waxa uu sheegay in waqtigii uu ka shaqeenayay tv’ga al-Jazeera uu samaystay saaxiibo badan, isagoona qaatay tababar ay bixiyeen sirdoonka Qatar. Waxa uu sheegayaa in uu heesto baasaboor Kenyan ah kaas oo usuuro galiyay meelo badan oo ay qayb kayihiin dhulalka ay intabadan maamulaan dagaalamayaasha al-Shabaab.

    2012’kii ayuu qoraaga maqaalka sheegay in uu bilaabay in uu saameen ku yeesho siyaasadda Soomaaliya isagoo wakiil u ah dowladda Qatar diyaarna u ah in uu iibsado codadka baarlamaanka. 2016’kii ayay Fahad usuuro gashay in taageeradii Qatar uu kusoo saaro Farmaajo taas oo keentay in Fahad uu xilal kala duwan kasoo qabto dowladda madaxwayne Farmaajo isagoona ugu danbayn noqday madaxda hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka, oo illaa iyoo haatan yahay.

    Maqaalkan lagu daabacay wargayska Washntong Examinar ayaa eedeemaha loogu soo jeediyay taliye Fahad waxaa qayb ka ah in uu ka warqabay weeraro badan oo gudaha dalka ka dhacay, canshurrta ay al-Shabaab ka qaadaan ganacsatada iyo in uu lahaa amrkii lagu weeraray guriga siyaasiga caanka ah ee Abdirahman A.Shakuur oo ay ku dhinteen lix kamid ah ilaaladiisa iyo codad laga duubay saaxiibadiisa Qatar oo amraya weerar laga fuliyo Dakada magaalada Bosaso ee maamulka Puntland.

    Maqaalka wargayska ayaa ugu danbeen loogu baaqay dowladda Maraykanka in ay gabi haanba deeqaha iyo caawinaada kajarato dowladda Soomaaliya.

    Eedeemahan uu wargayska Washintong Examinar usoo jeediyay taliyaha Hay’adda Nisa ayaa kusoo aadayaa waqti siwayn isaga iyo hay’adiisaba loogu eedeenayo in ay faragalin ku hayaan doorashada dalka iyo in gudiyada doorashooyinka ee lasoo magacaabay ay xubno badan ugu jiraan balse waxaa xusid mudan in maqaalkan lagu daabacay wargayska Washintong Examinar eedeemaha culusna loogu soo jeediyay Taliyaha hay’adda Nissa uusan wali ka hadlin isaga iyo hay’adiisa.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.