Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo oo hadlay geerida Cumar Carte Qaalib
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo oo hadlay geerida Cumar Carte Qaalib

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 18, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay -Alle ha u naxariistee- Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Marxuum Cumar Carte Qaalib oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

    Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Marxuumku uu u soo shaqeeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isaga oo soo qabtay xilal diblumaasiyadeed oo door weyn ka qaatay sare u qaadidda maqaamka iyo magaca dalkeennu ku leeyahay caalamka.

    “Alle ha u naxariistee Marxuum Cumar Carte Qaalib waxa uu door weyn kasoo qaatay bilowgii dowladnimadeena. Waxa uu soo noqday Ra’iisul Wasaare iyo Wasiir Arrimo dibadeed. Waxaan xasuusannahay sida uu dadaalka ugu bixiyay in Qaranka Soomaaliyeed uu si mugleh uga dhex muuqdo saaxada siyaasadeed ee caalamka”.

    Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.