Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Tartanka Orodka 5-KM ee heer Puntland oo lagu qabtay Garoowe (Sawirro)
    Somalia

    Tartanka Orodka 5-KM ee heer Puntland oo lagu qabtay Garoowe (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 18, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa abaalmarin guddoonsiiyey orodyahanada kaalmaha hore ka galay tartanka Orodka 5km ee heer Puntland oo galabta lagu qabtay Garoowe.

    Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa bogaadiyey orodyahanada tartanka ka qeybgalay oo ka kala yimi Gobolada Puntland iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha shaqada wanaagsan ee ay qabteen.

    Tartanku markii uu dhammaaday waxaa uu Madaxweyne Ku-xigeen Dowladda Puntland uu Abaalmarin isugu jirta lacag iyo bilado guddoonsiiyey saddexdii orodyahan ee kaalmaha hore galay, kuwaasi oo kala ah
    Maxamed Cabdinuur Jaamac oo kaalinta koowaad galay , Fu’aad Siciid Cali oo isna kaalinta labaad galay iyo Maxamed Muxiyadiin oo kaalinta saddexaad galay.

    Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, xubno ka tirsan goleyaasha dowladda, Maamulka gobolka iyo kan degmada, dhallinyaro, haween iyo marti sharaf kale.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.